Taliyaha Ilaalada Xeebaha Oo Ka Hadlay Doon Berbera Ka Baxday Oo Warkeeda La’ la yahay

0
3978

Picture1Hargeysa (Geeska) – Taliyaha Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, ayaa ka hadlay dooni u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah, taasi oo la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay ilaa 29-ka bishii hore oo ay ka shiraaqatay dekeda Berbera.

Doontan oo sidday 461 neef oo lo’ ah iyo 1,167 neef oo adhi ah isla-markaana ay la socdeen 11 qof, ayaa warar shalay iyo ilaa xalay soo baxayey sheegeen in doontaasi ku degtay inta u dhaxaysa Somaliland iyo Yemen, balse Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu arintan wax uga waydiino, ayaa sheegay inaan la hubin in doontaasi degtay, balse ilaa hadda aan war laga haynin halka ay ku dambaysay tan iyo 29-kii bishii July oo ay dekeda Berbera ka ambo-baxday “Doontaasi war baan laga haynin (Halka ay ku dambaysay) laakiin lama xaqiijin inay degtay” ayuu yidhi Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan la hadlay Wakiilkii, waxaanu igu yidhi inay degtay ma hayno ee warkeed ayaanu la’nahay”

Taliyaha oo la waydiiyey xoolaha ay sidday doontaasi, ayaa ku jawaabay “Waxay sidday 461 neef oo lo’ ah, 1,167 adhi ah, waxaana la socday 11 qof” ayuu yidhi, inkasta oo aanu sheegin in guud ahaan dadka doontaasi la socday inay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Somaliland.