Burco.Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ugu Baaqay Ergooyinka Ka Qaybgalaaya Shirweynaha Beelweynta Habaryoonis Ee Bariga Sanaag Ka Furmaaya 29-ka Bisha In Ay Wakhtiga Ilaaliyaan ,Kana Soo Horeeyaan Maalinta Shirku Furmaayo .

0
668

madaxdhaqameedBurco(Geeska)–Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ayaa ergooyinka ka qaybgalaaya shirweynaha beelweynta Habar-yoonis ee Bariga Sanaag ka furmi-doona  29-ka bisha gudo iyo debed-ba ugu baaqay in ay wakhtiga ilaaliyaan isla markaana ugu yaraan laba cisho ka soo horeeyaan maalinta uu shirkaasi furmaayo ,oo ay wakhti yari inaga xigto.

 Xildhibaankan iyo wafti uu hugaaminaayo oo ka tirsan ururka Wadani oo maalmihii u danbeeyay kormeer ku maraayay gobolka Sanaag isla markaana booqday madasha shirweynahani ka dhacaayo ayaa geesta kale Xukuumadda usoo jeediyay in ay sugaan nabadgelyadda shirka ,maadaama shirkani yahay mid aan mar-naba Xukuumadda Mucaarid ku ahayn isla markaana beeshu danaheeda gaarka ah kaga hadlayso iyo horumarinta deegaamadda ay degto . “ Aniga iyo wafti aan hugaaminaayo oo ka tirsan ururka Wadani maalmihii u danbeeyay waxaanu kormeer ku maraynay buurta  Duulo ee shirka beesha  ka dhacaayo iyo guud’ahaan gobolka Sanaag ,si aanu xoga dheeriya uga helo,   ,sidaa awgeed  dadka gobolkaasi ku dhaqani  iyo gobolada kale-ba boqolkiiba boqol shirkan in uu qabsoomo 29-ka bisha way taageersanyihiin ,waxa dadku doonaayana cid ka hortagikartaa ma jirto .,Aniguna anoo ku hadlaaya afka waftigan Wadani ee Sanaag tegay waxaanu balanqaadayaa shirkaasi sidii uu u qabsoomi-lahaa 29-ka bisha  naf iyo maalba waanu isla garabtaagaynaa “ Sidaasi waxa yidhi Jaamac Xasan Aadan oo Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Burco warbaahinta uga waramay socdaal uu ku tagay gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxa uu xildhibaanku ugu baaqay ergooyinka shirkaasi ka soo qaybgalayaa ee lagu qaabilay  gudo iyo debed-ba in ay wakhitiga shirku furmaayo ilaaliyaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa ergooyinka shirka gudo iyo debed-ba in ay 29-ka bisha ugu yaraan laba cisho ka soo horeeyaan oo ay madasha shirka ku sugnaadaan si wakhtiga loo dhawro “

Waxa kale oo uu Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan Xukuumadda usoo jeediyay in ay ciidamo boolis ah oo amniga qaabilsan gayso goobta shirkaasi ka dhacaayo ,maadaama ay iyadu shicibka masuul ka tahay . “ Iyaddoo aan hore uga hadlay waxaan mar sedexaad Xukuumadda leeyahay shirkani waa shir nabadeed oo aan mucaarid kugu ahayn ,beeshuna danaheeda gaarka ah iyo sidii ay deegaamadeeda u horumarin lahayd ayay kaga tashanaysaa ,markaa waxaan leeyahy Dawladda ciidan boolis ah oo shirka amaankiisa suga usoo dir “ Sidaasi ayuu xildhibaanku hadalkiisa kaga baxay..