Wasiir Duur Oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Laayay Tuulada Gawsaweyne Iyo Dhaqdhaqaaq Nabadeed Oo Ay Wadaan Odayaasha Buuhoodle

19
581

abtigiisHargaysa( Geeska )- Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dadkii lagu laayay deegaanka Gawsaweyne iyo odayaasha Buuhoodle oo uu sheegay in nabad ay isku xilqaameen ay kala kulmeen carqalad,  isaga oo ugu baaqay odayaasha Buuhoodle  inay u dhabar adaygaan go’aanka nabadraadinta.

Wasiir Duur waxa kale oo uu wakhtigan uu ku tilmaamay In deegaanada bariga uu ka soo muuqdo ifafaale nabadeed, dadka deegaankuna wakhtigan ay nabad raadinayaan, waxaanu arimahan wasiirku kaga hadlay xaflad xilka uu kula wareegayay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha oo dhawaan jagadaas loo soo magaabay. Wuxuu wasiirku hadaladan ka sheegay xil wareejin shalay ka dhacday wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku simihii agaasimaha guud Maamed Dube Cismaan xilkii ku wareejiyay Axmed Cumar Faahiye.

Wasiir Maxamed Duur oo ugu horeyn u mahad-naqaya Madax-dhaqameedka isku xil-qaamay inay dhameeyaan Xurgufta beesha Buuhoodle iyo beesha Qori-lugud, waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa waayeelka reer Buuhoodle ee isku xilqaamay si ay nabadayntaas u ajiibaan, ee la kulmay carqalada nabadaas lagula dagaalamaayo, nabada hadii cid u dagaalanto la waayo ma dhalanayso, waxa muuqda ifafaale nabadeed oo deegaankaas labada dhinacba ka taagan, waxaana jira dad doonaya inay la dagaalamaan nabadaas, waxa kamid ah dadkii sadexda qof ku dilay aaga Gawsaweyne, runtii tacsibaynu u diraynaa dadkii halkaas ku dhintay waxaanan leeyahay sabra, waayo nabadbaa soo dhaw, nabdii si loo carqaladeeyo waxa la doonayaa in bulsho dagan oo aan waxaba galabsan ay dadka fitno wadayaasha ah wax gaadhsiiyaan si nabadii u burburto.” Ayaa uu yidhi wasiirka arimaha gudahu, waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata yidhi “Lakiin dadka shacabka ah ee ay wax gaadheen waxaan ka codsanayaa, inay sabraan, allena hawnaxariisto cidii dhimatay, ayna sugaan intay nabadu halkeeda gaadhayso, waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa dhamaan shacabkii warbaahinta ka hadlay ee aaga Xudun iyo Taleex ee ka xumaaday falkaas waxashnimada ah ee dad dariiq maraaya lagu laayay, waxay muujinaysaa in labada shacaba ay dad fidna wadayaal ahi joogaan, lakiin nabadii  hada lagawada shaqay naayo, insha allahuna nabad buuxda waa la gaadhi doona, waana mid ka xaqiiqa shacabka, waana nabad ka run ah oo ka go’aan ah xukuumadda, markaas illaahay tiisii ayuunbaa inoo hadhay goortuu qorayna waa ay dhacaysaa, lakiin iraaradii shacabku labada dhinacba waa ay jirtaa, insha allaahuna dadkaas waxa aan ugu baaqayaa in aan nabda laga daalin.”

Comments are closed.