Daahir Rayale Oo Magacaabay Laba Guddi Oo UDUB Ah Iyo Muse-Dalab Oo Ku Gacan Saydhay

0
692

rayaaleHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa 24 June magacaabay laba guddi oo hordhac u ah guddiyo kala duwan oo uu xisbigu yeelan doono.

Sida ku cad qoraal uu soo daaray Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu magacaabay laba guddi oo kala ah guddi hoosaadka shuruucda iyo anshaxa iyo guddi hoosaadka maaliyadda. Hase yeeshe xubin ka mid ah guddi hoosaadka maaliyadda Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab), ayaa si cad ugu gacan saydhay magacaabistaa uu Daahir Rayaale Kaahin ku daray guddi hoosaadka maaliyadda, waxaanu Muuse-Dalab sheegay inuu xisbiga uga baxay khilaafyadii dhawaan ka dhex taagnaa.

Warsaxaafadeedka Rayaale soo saaray ayaa wuxuu u dhignaa sidan:

1. Guddi-Hoosaadka Shuruucda iyo Anshaxa

1. Xasan Cabdi Maxamud (Xasan Xaydh) – Guddoomiye

2. Mawlid Xuseen Cumar – Guddoomiye ku Xigeen

3. Xild. Maxamed Saalax Cige – Xoghaye

4. Baashe Yusuf Cadde

5. Baashe Muuse Xuseen

6. Maxamed Xagar Dirir (Xayraan)

7. Aw Aden Cawad Seed

 

2. Guddi-Hoosaadka Maaliyadda.

1. Keyse Cali Geeddi – Guddoomiye

2. Maxamed Muuse Diiriye – Guddoomiye ku Xigeen

3. Xild. Xuseen Ismaaciil Yusuf – Xoghaye

4. Xild. A/Qadir Jaamac Xaamud

5. Xild. Ibrahim Ciise Buux

6. Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab)

7. Faysal Cilmi Maxamed

Jawaabta Muuse Dalab

Muuse Dalab, ayaa qoraal jawaab u ah magacaabista Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku yidhi “Aniga oo ah Muuse Xirsi Abokor, waxaan caddaynayaa inaanan ka mid ahayn guddida Dhaqaalaha ee Xisbiga UDUB, kaas oo lagu faafiyay warbaahinta Somaliland.

Waxaan ka baxay Xisbiga UDUB markii dhexdiisa khilaafku ka bilaabmay layskuna Dacweeyay, waxaanan ka xumahay cid aan waxba la weydiin in warbaahinta lagu soo saaro. Wakhtigan xaadirka ahna ma ahi Xisbi.

Waxaanan mar labaad cadaynayaa inaanan ka mid ahayn Xisbiga UDUB, xubin ahaan iyo guddi toona, mana doonayo inaad iigu yeedhaan Xisbi aad disheen oo aad xaliyi kari weydeen wixii dhexdiisa yaalay.”