Burco: Wasiiro Sheegay In Xal Hor-dhac Ah Ay Ka Sameeyeen Xiisad Ka Taagan Deegaanka Baliga Diiriye

0
813

Hargeysa(Geeska)-Wafti Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo sida oo kale Maamulka Gobalka Togdheer ayaa si wadajir ah Shalay ugaadhay deegaanka dagmada Baliga Diiriye  oo maalmihii u danbaysay ay ka taagnayd xiisad colaadeed kadib markii ay laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga ay isku maandhaafeen lahaansha dhul halkaasi ku yaala. Dhulka ayaa ku yaala waqooyiga magaalada Burco.

Degmada Bali Diiriye oo dhinaca bari ka xigta Magaalada Burco ayaa waxaa kamid ahaa Waftiga halkaasi gaadhay Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Md: Maxamed Jaamac Abgaal,Wasiirka Wasaarada Cadaalada Md:Xusseen Axmed Caydiid,Wasiirka Wasaarada Dhalinyarta iyo Ciyaaraha iyo sida oo kale Wasiirka ku xigeenka Amniga,waxaanay u jeedada Socdaalkoodu ay ahad mid daaran sidii loo soo afjari lahaa xiisada colaadeed ee ka dhexaysay dadka walaalaha ah ee deegaankaasi.

Waxaana Waftigan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md:Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta lahadlaayey ayaa daboolka ka qaaday in ay kulamo gaar gaar ah oo ay la sameeyeen Madaxda gobalka,Cuqaasha,iyo dadka deegaanka Bali Diiriye ay isku afgarteen in labada dhinacba ay dib ciidamadooda uraraan,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay labada dhinacba ay isku afgarteen in si arrinta ugu horaysa ee laga shaqeeya ay noqoto ilaalinta nabad galyada. “Shalay oo ay taariikhdu ahayd bishii 08.08.2014-kii ayaanu afar Wasiir oo Xukuumada Qaranka ka tirsan aanu ugu soo baxnay shaqaaqada Xooga ah oo ka taagnayd Gobalka Togdheer ee Magaalada Burco,gaar ahaan tuulada Bali,imika halka aanu joognaana waa tuulada Booraamo waa shaqaaqo u dhaxaysay Laba beelood oo walaalo ah oo ehel ah,ayaa deedna aanu maanta Subaxnimadii mar hadii aanu shalay soo galnay ayaa waxaanu is waraysanay oo aanu kala warqaadanay sidii maamulka iyo nidaamku ahaa maamulkii guud ee Gobalka iyo Odayadii dhaqanka ee halkaasi joogay imikana anagii oo wada socona ayaanu soo gaadhnay tuuladan”. Md:Maxamed Jaamac Abgaal. Md:Maxamed Cabdi Abgaal oo hadalkiisa siiwta ayaa waxaa uu yidhi:“Deedna dabcan shaqadii oo si wanaagsan noogu socota iyo dadka oo aan wax badani ka dhaxayn oo ah dad walaalo ah oo ehel ah inta aanu gaadhayno waxaa ka dhaxeeya guntiisa iyo wax ka qabashadiisaba waxaanu imika fariin ku kala qaadanay oo aanu imika isla garanay Ciidankii Qaranka,Wasiiradii iyo heer gobal iyo heer dagmaba iyo waliba odayadii dhaqanka ee hawshaas maamulaayey aanu kala qaadanay oo aanu ku kala tagnay hada oo aanu Umaddana ugu bushaaranaynaa runtii intii dhawayd ee halkan joogtay iyo intii kaleba ehel uga ahayd dawladnimada iyo wanaaga uga ahayd,waxaanu u sheegay in aanu dhamaan ku kala tagnay in Ciidamo waxii dhulkaasi kala joogay lakala qaado,si amaanka marka ugu horaysa loo sugo iyada oo amarana waanu bixinay iyada oo talo ahna waanu kala qaadanay,is afgarad wanaagsana halkaasi ayaa uu ka dhacay iyo aqbal gabalku intaanu ku dhicina hawshaasi waxaa ay noqonaysaa hawl nadiifa oo dhulka aminigiisu uu sugan yahay oo qori aan ciidanka ahayn aanu jirin.”