Hargeysa: Carwada Bandhiga Buugaagta Oo Shalay La Furay

0
1031

Picture3Hargeysa(Geeska)-xaflad ku saabsan Bandhiga Buugaagta Hargeysa kuna lamaanayd xaflad ibo-furka xarunta dhaqanka hargeysa kana soo qeybgaleen marti-sharaf kala duwan oo gudaha dalka iyo dibadiisa ka kala yimi, iskana kaashadeen hirgelintiisa xarunta Dhaqanka Red Sea, Machadka Rift Valley iyo Midowga Yurub ayaa ka dhacday caasimada hargeysa. Xafladan bandhiga buugaagta oo sannadkii todobaad xidhiidh ah loogu qabanayey caasimada Hargeysa, isla markaana halku-dhiga sannadkan loo doortay ayahay mala-awaalka ayaa socon doonta muddo lix maalmood ah.  Xaflada oo martisharaf kala duwan ka hadashay ayaa Agaasimaha xarunta dhaqanka Red Sea, Jaamac Muuse Jaamac oo furitaankeeda ka hadlay, ku soo dhoweeyey safiir-xigeenka safaarada Ingiriiska ee magaalada Addis ababa Chris Allen oo sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalaka bandhiga buugaagta oo kaalin weyn ka qaataan qabashadiisa sannad walba.  Sidoo kale, xafladan oo hadal uu ka jeediyeyaan Mohamed sabul oo ka tirsan qoraayaasha ka soo qeybgalay bandhiga ayaa ka hadlay faa’iidada kulamada noocan u leeyahiin bulshooyinka iyo horumarkooda.

Ugu dambayn wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo furay bandhiga buugaagta ayaa sheegay in xukuumad ahaan soo dhoweynayaan, diyaarna u yihiin inay gacan ka geystaan horumarinta dhaqanka iyo arrimaha dhalinyarada. Xaruntan dhaqanka Hargeysa  oo xadhiga uu ka jaray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ayaa hadal kooban uu ka jeediyey ku sheegay inay xaruntani ahayd mid baahi weyn loo qabay helitaankeeda, xilligana fariintiisu tahay aynu ka wada shaqeyno, waxaanu ydhi, “xaruntan dhaqanka helitaankeeda baahi weyn ayey hore u qabnay, xilligan fariintaydu waa aynu ka wada shaqeyno horumarinteeda.” Madaxa xafiiska Midowga Yurub ee Nayroobi u qaabilsan warbaahinta, Ms. Maghi uyjkihaejhe oo madasha ka hadashay ayaa ka warbixisay, muhiimad ay u leedahay ka soo qeybgalka furitaanka xaruntan dhaqanka hargeysa oo ahayd mashruuc ay bixiyeen dhaqaalahi lagu maalgeliyey, diyaarna u yihiin inay wada shaqeyn yeeshaan mustaqbalka.

Sidoo kale madaxa hay’ad Rift Valley, Mack Bradbury oo fadhigeedu yahay magaalada nayroobi oo qeyb ka ahayd fulinta mashruucan dhismaha xarunta dhaqanka hargeysa, ayaa ka waramay heerarka uu soo maray fikrika abuuritaanka xaruntan iyo xilligii uu bilaabmay oo ku sheegay muddo dhowr  sannadood horteed xilli ay socdaal ku marayeen gobolka Sanaag, waxaanu yidhi, “fikrika abuuritaanka xaruntan dhaqanka waxuu bilaabmay wakhti  dhowr sannadood hortood laga joogo, xilli aanu socdaal ku tagnay gobolka sanaag wefdi goobjoogeyaal doorashooyinka qeybna ka ahayd Ayaan Maxamed Cashuur.”

Madaxa Rift Valley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay midho dhalka mashruucan oo ku soo beegmay wakhti baahi weyn u qabaan dhalinyarada Dalku sidii ay ku heli lahaayeen goobo ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda.  Marwo Edna Adan Ismaaciil oo ka hadlayey halku-dhiga sannadkan loo aqoonsaday ee mala-awaalka ayaa ka sheekaysay in qorshe walba bilowgiisu mala-awaal yahay, balse marka u dambaysa la gaadho midhahiida, sida halgankii loo soo galay dib-u-xoeynta dalka iyo horumarkiisa, xilligana helitaanka ictiraafku yahay mid midh-dhalkiisa la sugayo.  Ugu dambayn madashii shalay lagu daahfurayey xarunta dhaqanka Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha dhaqanka dalkeena, oo martidii ka soo qeybgashay si weyn ugu riyaaqeen daawashadooda.