Salaadiinta Beelaha Arab Oo Ku Baaqday In Loo Kala Gurmado Beelo Walaalo Ah Oo Khilaaf Deegaan U Dhexeeyo

0
616

Picture1?Hargeysa(Geeska)-Madax dhaqameedka beelaha Arab ayaa ka hadlay colaada ka aloosan deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ee duleedka bari ee magaalada Burco oo ay isku khilaafsanyihiin laba beelood oo walaalo ahi. Madax dhaqameedka oo khamiistii shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay ku baaqeen in la joojiyo colaada ka taagan deegaankaasi, waxaanay xukuumada iyo golaha guurtida Somaliland ugu baaqeen inay ka gurmadaan colaada deegaankaasi ka taagan.

 Ugu horayn waxa shirkan jaraa,id ka hadlay suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxaanu sheegay  in loo baahan yahay in colaadaas si nabad galyo ah loo soo afjaro, waxaanu hogaanka dalka ugu baaqay inay si wanaagsan u soo af jaraan arintan waxaanu yidhi “Arintani waa mid mudan in aad looga hadlo, dhibta iyo mashaakilaadku aduunka kama dhamaadaan laakiin dadka hogaanka u haya umada ayaa looga baahan yahay inay sida ugu wanaagsanu dhameeyaan, ciidan ciidan laga hor geeyaa dawo ma dhalaan waxa uu keenaa dhibaato, reer xoog lagu muquuniyaana ma jiro, hore waynu soo dhadhaminay taas, waxaana muhiim ah in laga taliyo nolosha dadka, waxaana loo baahan yahay inay garashada iyo wanaagu shaqeeyo, dhibaatada halkaas ka taagan dadka isku hayaa waa inay maqlaan ergada  dadka walaalahood ah ee meesha la dagan, waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo oo deganaan shaha ha lagu soo noqdo, labada ciidana hala kala qaado.”ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed. Suldaan Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madax dhaqameedka dalka, golaha guurtida iyo xukuumada inay dhex galaan daminta colaadan waxaanu yidhi “Xukuumada, golaha guurtida iyo madax dhaqameedka dadka dhamaantood waxaanu u soo jeedinaynaa inay hawshooda galaan oo dadkaas walaalaha ah ee wada degan ee aan ku kala tagi Karin dhibaato dhex marta in walaaltinimadooda iyo dawadooda laga shaqeeyo, waxaanan leenahay arintan nabada ha lagu soo dabaalo qoryahana dhulka ha layska dhigo nolosha dadkana ha laga taliyo meelna la kala tagi maayo.” Ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

Sidoo kale Suldaan Bare Xaaji Xuseen oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa soo jeediyey in loo gurmado daminta colaada ka taagan deegaankaasi, waxaanu baaq u diray wasiirka arimaha gudaha iyo golaha guurtida  waxaanu yidhi “Hadalka go,aankiisu ha loo gurmado shaqaaqadaas bari ka dhacday, mid walibana waxyeeladeedu way ina soo gaadhaysaa, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inay inaga qabawdo,wasiirka arimaha gudaha, golaha guurtida iyo cidii kale ee ku haboon waxa loo baahan yahay inay ka hawl galaan daminta colaadaas, salaadiinta Somaliland ee gobolka Togdheer waxaan leeyahay waa inaad idinku baxdaan oo aad colaadaas daminteda bilawdaan, waana in marka ay wax dhacaan la gurmado oo fadhiga laga kaco oo aan la sugin inta wax  ka soo yeedhayaan.” Ayuu yidhi suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale.

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay caaqil Xuseen Colaad Jaamac(Halac), Chief Caaqil Baashe Cismaan Xuseen Yuusuf iyo caaqil Hadhiye kuwaas oo dhamaantood ku baaqay in  si deg deg ah looga hawl galo daminta colaada ka taagan deegaanka baliga Diiriye Guuleed.