Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Ogolaatay Inay Hor-Fadhiisato Weftiga Sh. Shariif Oo Ay Shakhsiyaad Reer Somaliland Ahi Ku Jiraan

1
625

wftHargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ay dawladda Sheekh Shariif ku soo dartay gudigeeda wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo isagoo jooga magaalada London xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uga hordhacay weftigii ka socday Somaliland oo xubnihii kale ay xalay ka dhoofeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyay  sababta xubnahii wefdiga Somaliland ugu kala hadheen Itoobiya iyo sababtii hore ugu qaadaceen wada hadalka Soomaliya, haddii wakhtiganba ku jiraan xubno u dhashay Somaliland oo ay dawladda Sheekh Shariif ku soo dartay.  ayaa ku jawaabay, “Afartii xubnood ee wefdiga Somaliland waxay xalay xilliyada danbe soo gaadhayeen London. Shirkuna waxuu bilaabmayaa gelinka danbe ee maanta, labada wefdi ee Somaliland iyo Soomaaliya isku xilli ayey imanayaan.”

Wasiirka oo la weydiiyay sababta ay wakhtigan u ogolaadeen inay Somaliya dhinaceeda metelaan xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawladda ku meelgaadhka ah, wuxuu yidhi  “Waan la soconaa in shanta xubnood ee wada hadalada u metelaya TFG ay ka tirsan yihiin Soomaaliya, sababta aan hore ugu diidnayna ahayd iyagoo ay ku jireen xubno maamulka Puntland ka tirsanaa, go’aankii shirkii London waxuu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan.”

Dad badan ayaa la yaabay isbedelka kediska ah ee ku yimid doodii xukuumadda Somaliland ee ku waajahnayd inaanu wada hadal dhici Karin haddii dawladda Shariif wada hadalka ku soo darto xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Waxaana laga warqabaa in toddobaadkan ay dhawr goor sheegtay inay dawladda Sheekh Shariif bedeshay gudigii hore islamarkaana la aqbalay shardigii Somaliland ku xidhay wada hadalka ee ahaa inaan lagu soo darin cid reer Somaliland ah. Hase yeeshe hadalka Wasiirka ee uu kaga jawaabay sababta ay ogolaadeen xubnaha reer Somaliland inay hor fadhistaan ayaa wuxuu u muuqdaa mid aanay bulshadu liqi Karin marka loo eego qodobka uu difaacayo. Laakiin dad badan ayaa aaminsan inuu jiro cadaadis bulshada laga qariyay oo la saaray xukuumadda Somaliland kaas oo sabab u noqday inay horfadhiistaan guddi ay ku jiraan xubno reer Somaliland ah balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga shacabka, haddii uu kani jirana waa qodob mugdi gelin kara aaminaada shacabka ee xukuumadda.

Geesta kale, Wasiir Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa warqad uu u diray xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska ku xaqiijiyey inaanay  marnaba Somaliland aqbalayn in qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya lagu qoro sheegashada Somaliland, isla markaana beesha caalamku aqbalaan xaqiiqada madaxbanaanida Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa xalay soo saartay qoraal ay sheegtay in wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland u diray xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska Willium Hague, xoghayaha Qaramada Midoobay iyo xubnaha golaha Amaanka oo ahaa in sababta go’aanka  maxadnabaanida Somaliland loo gaadhay oo ka danbaysay xasuuqii iyo burburkii rajiimkii Siyaad barre u geystay, iyo qaabka wefdiga Somaliland ka filayaan in wada hadalada ay la gelayaan Soomaaliya u dhacaan, ayaa u dhignaa sidan, “Waxaan jecelahay inaan uga faa’idaysto imaatinkayga London soo bandhigida fikirka xukuumada Somaliland ee ku aadan dhamaadka xilliga kala-guurka 20 August ee Soomaliya, iyo saadaasha xukuumadaydu ka filayso wada hadalka dhowaan dhexmari doona Somaliland iyo Soomaliya. Somaliland dan weyn ayaa ugu jirta aragtida xasilooni ka dhalata jaarkayaga, Soomaliya. Markaa, waa soo dhoweynaynaa isbedelada wacan ee bilahii la soo dhaafay ka dhacay, kana mid yihiin, horumarka laga gaadhay dhamaadka xilliga kala-guurka. Sidoo kale, waan qadarinaynaa naf-hurka ay sameeyeen ciidamada AMISOM, iyo taageerada qiimaha leh ee beesha caalamka, oo sahashay gaadhitaanka natiijdan.

 

Saddex qarni ka dib markii israaca aan qasabka ahayn dhexmaray maxmiyadii hore Ingiriiska Somaliland iyo tii talyaaniga ee Soomaliya, bishii July 1960-kii, Somaliland waxay ku qasbanaatay inay dib madaxbanaanideedii ugala soo noqoto Soomaliya sannadkii 1991. Go’aankaa si fudud laguma qaadan. Waxuu ka danbeeyey xasuuq siman iyo denbiyo bani’aadminimada ka baxsan oo u geysteen shacabkayaga rajiimkii Siyaad Barre, taasoo keentay ugu yaraan konton kun oo reer Somaliland inay ku dhintaan, bara-kac ku dhacay ugu yaraan boqolaal kun, burbur loo geystay magaalooyinka, sida Caasimada Hargeysa.

 

Waxii xilligaa ka danbeeyey, Somaliland waxay ku guulaysatay dhisida nabadgelyadeeda, iyo abuuritaanka xukuumad ku dhisan dimoqraadiyad oo shacabkeeda u adeegta. Waxaan ku gaadhnay waddo aan gunta ka soo bilownay. Sannadkii 2001, afti guud ahaan shacabka reer Somaliland  u codeeyeen, waxaan ku samaysanay dastuur, xaqiijinayey in xuduudaha jamhuuriyada madaxabanaan ee Somaliland la mid tahay tii maxmiyadii Somaliland, ee Ingiriisku xornimada siiyey 1960-kii. Doorashooyinkii xigay, ooy ku sheegeen kuwo xaq iyo cadaalad u dhacay goob-joogayaashii caalamku, waxa lagu doortay xukuumado dhab ahaan ku dhaqmaya madaxbanaanida Somaliland. Waxaan rumaysan nahay in waaya-aragnimada aanu leenahay ee dhismaha nabadgelyadu dan u tahay kuwa kale, oo ka mid yihiin walaalahayaga Soomaaliya.“

Marka taariikhdu sidaa tahay, marnaba waxay aqbalayaan Somaliland maaha in qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya lagu qoro sheegashada wadankayaga. Somaliland gebi ahaanba way ka soo horjeedaa sheegashada nooc kastoo xuduudahayaga ka mid ah.

 

Si kasta, Somaliland waxay si weyn u doonaysaa inay wada hadalo qiimo leh dhexmaraan TFG ama cida bedesha oo lagu bayaaminayo xidhiidhkayaga mustaqbalka, iyo arrimaha ku saabsan danaha naga dhexeeya, sida la dagaalanka argagaxisada, budhcad-badeedka iyo xagjirnimada. Somaliland qadarin weyn ayey ugu haysaa Ingiriiska, Norway iyo midowga Yurub aqbalaadooda wada martigelinta wada hadalada qiimaynta ee maanta. Waxaan ugu diyaargarownay wada hadaladaa niyad wanaag, iyo xiisaha iskaashiga ku aadan dib-u-xaqiijinta iyo dhismaha nabadgelyada iyo xasiloonida geeska Afrika.

 

Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka xilligan inay aqbalaad xaqiiqada madaxbanaanida Somaliland, isla markaana dhiirigeliyaan wada xaajood dhexmara laba qeybood oo siman Hargeysa iyo Muqdisho oo aan keliya wax-ka-tarayn danaha aan wadaagno ee helitaanka xasiloonida iyo degenaanshaha geeska Afrika.

 

Waan kaaga mahadcelinayaa hadaad qoraalkan gaadhsiisid xoghayaha guud ee qaramada Midoobay, iyo weliba xubnaha golaha amaanka. Fadlan, ku gudoon xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska, go’aankaygan qiimaynta ugu sareysa.”

Comments are closed.