Wasiir Qabo Oo Booqday Dugsiga Suldaan Maxamed Ee Masalaha Iyo Balanqaadka Uu U Sameeyay

0
606

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Maxamed Aadan Qabo ayaa ka qaybgalay dhammaadka imtaxaankii dugsiga Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ee ku yaala xaafadda Masalaha, waxaanu halkaas ka balanqaaday inuu dugsiga kala shaqayn doono qabyooyinka horyaala iyo baahiyaha haysta.

Waxa sida oo kale uu wasiirku ku dheeraaday Suldaanka Maxamed Suldaan Faarax oo dugsigan loogu magac daray iyo taariikhdiisa. waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay maamulaha dugsigaas  oo yidhi "Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadnaqayaa wasiir Maxamed Qabyatire oo aan uga mahdnaqaayo iyada oo ramadaan ah inuu halkan inala joogo, mudane wasiir waan kaa filayay inaad halkan noogu timaado markaad maqasho  duruufaha iyo waayaha dugsigan ku gedaaman, maanta 12 dugsi ayaa ka jira Hargeysa oo kan ayaa ugu da'yar, dugsiyada kalena waxa uu kaga duwan yahay masaafada uu jiro, waxaan rajaynayaa in inaad na gacan qabato."

Wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Aadan oo intaas kadib halkaas ka hadlay, wuxuu ka waramay taariikhdii halgan iyo nabadeed ee Suldaan Maxamed, waxaana uu yidhi"Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ahaa suldaan ku suntan taariikhda Somaliland, waxa uu ahaa suldaankii ugu horeeyay ee talaabay ee halgankii dalkan lagu xoreeyay hormuudka ka noqday,1983 bishii sideedaad ayuu talaabay markii uu u adkaysan waayay dhibkii dawladii halkan haysatay. Waxa uu ahaa suldaan Maxamed mid qoryaha noocyadooda kala duwan nin degtiisa ku qaaday ayuu ahaa Alle hawnaxariistee, duruufta waan arkayaa afartaas bas ee madaxda iyo salaadiinta deegaanku ay u gudbiyeen madaxweynaha waan ka hawlgalayaa insha allaahu waad arki doontaan, waan ka hawlgalayaa inta hadhay iskuulka dhamaystirkiisa, Muj.Muuse Biixi oo dayrka intaas leeg ku dhiiradayna aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa waayo magacan uu iskuulku sito ayuu saani u garanayaa, Muuse oo madaxweyne inoo noqdana dugsigani dabaqyo ayuu noqonayaa, maalinta uu inoo baahdana gacanteenu halkay ku dhacayso waynu garanaynaa. Imika laga bilaabo idinka mid ayaan noqonayaa maamulkana waan ku xidhnaanayaa, balan ayaan ku qaadayaa inaan idiin  qabyo tiro inta ka hadhay.”

Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo isna ah afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ayaa halkaas hadalo ka jeediyay waxaanu u mahadceliyay bulshada ka qayb qaadatay dhismaha dugsigaas.