Burco: Ciyaar Xiiso Baddan Oo Dhex Martay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka, Wariyayaasha Togdheer & Kooxda Waayo-Arag

0
883

burcoCiyaar xiiso baddnayd ayaa Maalintii Salaasadii garoonka cusub ee Magaaladda Burco ku dhex- martay Xildhibaanadda Gollaha Deegaanka Degmadda Burco oo ay iskaashanayeen Wariyayaasha Gobollka Togdheer iyo kooxda ciyaartoyga Waayo-Arag ee Gobollka Togdheer.

Ciyaartani oo ahayd mid ay si balaadhan uga soo qayb-galeen dadweynaha Magaaladda Burco, ciyaartoy, Maayarka Degmadda Burco, qaar ka tirsan Xildhibaanada Gollaha Deegaanka, Wariyayaasha Gobollka Togdheer, iyo Marti-sharaf kale duwan. Waxaana markii ay ciyaartani bilaabantay oo ay socotay wakhti aad u dheer ay ku dhamaatay 2-1 ay guushii ku raacday Xildhibaanada Gollaha Deegaanka iyo Wariyayaasha Gobollka Togdheer. Maayarka Degmada Burco Maxamed Muraad oo ka hadlay guushaasi u soo hoyotay Dawladda Hoose iyo Wariyayaasha Togdheer ayaa amaan u soo jeediyay Xildhibaanadda iyo Warbaahinta guusha la Taaban karo ee ay u soo hooyeen Dawladda Hoose ee Degmadda Burco.

Kulanka xiisaha leh oo ay soo qaban-qaabiyeen xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco ayaa u jeedadiisu ahayd sidii loo dhiiri-gelin lahaa guud ahaanba ciyaaraha Gobollka lana garab istaagi lahaa guud ahaanba bahda ciyaaraha ee heer Goboll iyo heer Degmo.