Bulshada Hargeysa Oo Aan U Kala Hadhin Aaska Sh. Maxamuud Oo 118 Jir Ku Geeriyooday

0
578

 

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa Sabtidii xabaalaha Masalaha ee magaalada Hargeysa lagua aasay Marxuum Sheekh Maxamuud Aw Muxumed Aw Yuusuf, oo ahaa caalim diinta ku xeel dheer, oo muddo dheer ku hawlanaa faafinta diinta Islaamka.

Sheekh Maxamuud, oo da’diisu ahayd 118 sannadood, waxa uu muddo dheer Iimaam ka ahaa masaajidka Ina Bootaan ee duleedka Koonfureed ee Biriishka Hargeysa, waxaana aaskiisa ka qayb galay culimada dalka, wasiiro, guddoomiyaha golaha wakiilada, guddoomiyaha Xaqsoor, taliyaha Booliska, guddoomiye-xigeenka golaha wakiilada, guddomiyaha hay’adda NDC, Salaadiin iyo bulsho kale oo tiro badan oo reer Hargeysa ah.

Sheekh Maxamed Macalin Cabdi (Carab), oo ka mid ah qaraabada Marxuumka geeriyooday, ayaa ka waramay taariikhdii wanaagsanayd ee Sheekh Maxamuud oo ku wada suntan Diinta Islaamka iyo u shaqaynteeda. “Sheekh Maxamuud, wuxuu Sabtidii duhurkii ku geeriyooday masjidka Bootaan oo uu Iimaan ka ahaa ilaa 1965, wuxuu ahaa sheekhu ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, wuxuu dhashay 1895-tii, waxaanu isagoo 7 jir ah uu dhammeeyay 30-ka quraanka kariimka ah, waxaanu diinta islaamka ku soo bartay ee fiqiga, luuqadda iyo tafsiirkaba diridhaba iyo Adari.” Ayuu yidhi Sheekh Carab, waxaanu intaas raaciyay “Culimadii 12-ka ahayd ee asaastay ansaaru diinka, ayuu ka mid ahaa oo isagaa u dambeeyay alle haw naxariistee.”

Sheekh Carab, wuxuu sheegay in Sheekh Maxamuud kaalin weyn ka soo qaatay nabadayntii Beelaha Somaliland. Isagoo Sheekh Carab, ka hadlaya qisooyin uu marxuumku uga sheekayay wakhtigii uu noolaa, wuxuu yidhi “wuxuu ka sheekayn jiray inuu yimid Hargeysa oo aanu guriba ka dhisnayn waabab mooyaane, wuxuu nooga sheekeeyay inuu garanayo diyaaradii u horaysay, gaadhigii u horeeyay markii ay Hargeysa yimaadeen, sheekhu wuxuu ahaa sheekh aad iyo aad u qiimo badan. Masaajidkiisu wuxuu ahaa masaajidada ay dacwadu ka soo hano qaaday.”

Sheekh Maxamuud, waxa uu ka tagay qoysas isugu jira ubad uu dhalay iyo ubad ay sii dhaleen oo tiradoodu tahay 130 ruux oo dalka iyo dibadiisa kala jooga. Qaar ka mid ah inamada uu awoowga u yahay ayaa u muuqda inay ka dhaxleeen aqoontii dheerayd ee uu diinta Islaamka u lahaa.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, ayaa isna ka hadlay aqoontii uu u lahaa Sheekh Maxamuud, waxaanu ku sifeeyay marxuum kaalin libaax ka soo qaatay kobcintii dacwadda.

Guddoomiyaha Wakiilada, ahna guddoomiyaha Wadani, guddoomiyaha Xaqsoor, guddoomiyaha hay’adda NDC, guddoomiye xigeenka golaha wakiilada, taliyaha Booliska, suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed iyo culimo kala duwan oo ka hadlay qabrigii Sheekha lagu aasay ayaa iyaguna ka sheekeeyay aqoontii ay marxuumka u lahaayeen, waxaanay Alle ka baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, umadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.