Bukaanka Cudurka Macaanka Oo Lagula Taliyey In Ay Habeen Kasta Hor Eegaan Badqabka Cagahooda

0
584

Berlin (Geeska)- Joornaalka Diabetes Ratgeber oo ka faallooda arrimaha macaanka ayaa dhowaan baahiyey dardaaran ay khubarada caafimaadku kula talinayaan dadka xanuunkan qabaa in ay habeen kasta hurdada ka hor eegaan cagahooda, si ay u hubiyaan bal in nabar yar ama dhaawac uun si u soo gaadhay.

Joornaalkan ka soo baxa dalka Jarmalku waxa uu arrintan ku sababeeyey in cudurka macaanku uu saamayn taban ku leeyahay dareenka xanuunka ee lugaha, oo inta badan dadka qabaa aanay hore u dareemin xanuunka yar iyo hafeefashada ka dhalan kara nabarrada yaryar ee cagaha hoose soo gaadhi kara, sidaa awgeed waxaa laga cabsi qabaa in qofka macaanka qabaa uu dareemi waayo nabar cagta hoose si aanu ogeyn uga soo gaadhay, kuna war helo goor dambe oo xaaladda wax ka qabashadeedu adag tahay. Dhakhaatiirtu waxa ay si gaar ah ugu talinayaan in qofka bukaankan qabaa uu si gaar ah u eego faraha dhexdooda, oo xitaa haddii qofka ay u suurtogeli weydo in uu si fiican isu eego in uu adeegsado muraayad yar oo leh gacan iyo fadhi weynayso ah leh. Haddii uu qofku isku arko dhiig-roor, xagtin ama barar yar oo lugta ah waxaa muhiim ah in uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtarka u tuso.

Warbixintan uu Geeska Afrika turjumay ayaa dhinaca kalana sheegtay in qofka cagtiisa ku arka nabarradaas aynu sheegnay isaga oo aan isku ogeyn macaan, ay muhiim tahay in uu ogaado in ay ka mid tahay calaamadaha muujin kara in uu macaan qabo, sidaa awgeed waa in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu tago dhakhtar takhasus ah.