Borama: Odayaal Ka Cawday Ceel Riig Ah Oo Laga Qoday Gargooray Oo Aan 2 Sano Afka Laga Furin

0
525

Borama(Geeska)-Biyo la’aantu waxa ay tahay mid ku sii fidaysa degaanka Gargooray ee degmada Boorama, waxana wali geed dheer ku laalan rajada laga qabo in furka laga fujiyo ceel riig ah oo ay xukuumadu degaankaasi ka qoday horaantii sanadkii tagay.

 Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye iyo qaar ka mid ah oday dhaqameedka degaankaasi ayaa shalay  cabashadan xukuumada u soo jeediyay in loo baahan yahay inay wax ka qabato oo ay riigaasi afka ka furto.

 Sul. Muuse Sanbuurag oo ka hadlayay arimahan ayaa waxa uu yidhi “Waxay ahayd sanadkii hore bilawgiisii markii ay hayad Kuwait ah oo ay xukuumadu la socoto halkan yimaadeen oo ay nin ka yidhaa Aadan oo Riig watay uu ceelkan qoday, ilaa maalintii ceelkii afka ayuu ka xidhan yahay mana naqaan wax ku dhacay, waxa aan la xidhiidhnay Wasaaradii Macdanta & Biyaha, waxana ay nagu tidhi waan kala baxnay, Wasiirkii Biyaha oo Boorama yimidna waan fahmi waynay, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumada ka codsanaynaa inay biyahan wax ka qabato oo ay noo soo saarto”

 Oday Xuseen Xirsi Diiriye oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Haraad ayaan u ildaranahay, waxana wali daboolan ceelkii riiga ahaa ee la noo qoday mudo dheer, ma naqaano waxa ku dhacy, waxana aan si biniaadanimo u dalbanaynaa in biyahan la noo soo saaro si aan haraadka uga baxno.

Oday Cismaan Cige Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa qiray in degaankan Gargooray uu yahay mid oomane ah, ceelasha biyaha ee ugu dhawna ay u jiraan masaafo ka badan 30km oo isku wareeg ah, sidaasi darted ay adag tahay in degaanadan biyo aanan ahayn kuwa roobka laga helo hadii aanay xukuumadu ka gurmay oo aanay afka ka furin ceelkan riiga ah ee xidhan

 Oday ayaa isaguna xusay in waqtigii isbedelka ay u codooyeen xisbiga Kulmiye isaga oo u balan qaaday inuu biyaha wax uga qaban doono ilaa maantana aanay waxba ka haynin waxana uu yidhi “Waxa aan  u codaynay Kulmiye oo biyo noo balan qaaday walina waa xidhan yahay ceelkii ay noo qodeen, waxana aan ka baqaynaa inaan ka wareegno oo aan ka codayno doorashooyinka soo socda hadii ay wax ka qaban waayaan riigan oo ay afka u furi waayaan