Magacyada Tahriibayaal Hargeysa Iyo Laascaanood Ka Tagay Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Saxaraha Liibiya Iyo Suudaan U Dhexeeya

1
577

Picture9Tripoli (Geeska) – Khasaare Dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay saxaraha u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Suudaan, ka dib markii gaadhi Tahriibinayey Soomaali iyo Ajaanib kale uu qalibmay.

Gaadhigan gaddoomay ayaa waxa ku dhintay saddex dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii safarka Tahriibka ah ugu socday dhanka dalka Liibiya oo ay doonayeen inay uga sii gudbaan dhanka dalka Talyaaniga ah oo ah afaafka laga galo dalalka kale ee Yurub.

Saddexda qof ee shilkaasi ku dhintay, ayaa la sheegay inay ahaayeen laba wiil oo reer Somaliland ah iyo gabadh ka soo jeeda koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo uu ka hadhay inan yar ah oo ay sidatay.

Safiirka dawladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Tripoli ee dalka ee dalka Liibiya Cabdiqani Maxamed Wacays, oo xalay Geeska AfrikaKhadka Telefoonka kula xidhiidhay ayaa xaqiijiyey geerida dhalinyaradan gaadhigii ay la socdeen uu la qalibmay “Dadka gaadhi baa kula gaddoomay saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan, waxaana ku dhintay saddex qof, laba wiil iyo gabadh”ayuu yidhi Safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya.

Safiirku wuxuu sheegay in dadka dhintay maydadkooda la geeyay Cisbitaal ku yaala Koonfurta dalka Liibiya “Maydadkooda Cisbitaal-baa la dhigay Koonfurta Liibiya ah”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay hayaan gabadh yar oo ay ka tagtay haweenayda ka midka ah saddexda qof ee shilkaasi ku dhintay.

Safiirka oo aanu waydiinay Magacyada dadka dhintay ayaa sheegay in gabadha ilmaha yari ka hadhay Magaceeda loogu sheegay Aamina isla-markaana ilmaha yar ee ay ka tagtayna Magaceedu yahay iimaan Iimaan Caydiid Faarax.

Safiir Cabdiqani Maxamed Wacays, oo uu Geeska Afrika weydiiyay bal inay dadkaas ku jireen cid ka soo jeeday Somaliland, wuxuu sheegay in labada wiil ee shilkaasi ku dhintay midkood Magaciisu yahay Xamse, loona sheegay inuu yahay reer Hargeysa, isaga oo safiirku intaasi ku daray in wiilka kale ee shilkaasi ku dhintay Magaciisu yahay Mukhtaar isla-markaana loo sheegay inuu ka tahriibay Magaalada Laascaanood ee xariunta gobolka Sool ee Somaliland.

Comments are closed.