Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Markab Dekedda Ku Gubtay Iyo Raashinkii Ay Puntland Celisay Oo Dalka La Keenay

0
648

Picture7Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka hadlay Markab raashin deeq ah keenay dekedda Magaalada Berbera, kaasi oo Turkigu ugu deeqay Maamul Gobolleedka Puntland, balse uu dib isagaga celiyey sababo la xidhiidha khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkaasi. Waxa kale oo uu ka hadlay markab dhawaan ku gubtay dekedda Berbera oo lagu guuldaraystay in la bakhtiiyo, inkastoo shaqaalihii ay ka samatobaxeen.

 

Afhayeenka Waddani, ayaa sheegay in Markabkan siday raashinka dekedda Boosaaso laga celiyey ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay dekedda Berbera, taasina ay markhaati u tahay in ilaa hadda beesha caalamku aanay kala saarin deeqaha Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana wixii deeq ah ee ay Somaliland ugu talogaleen ay Muqdisho soo marinayaan.

Afhayeenka Waddani, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Markabkaasi wuxuu yidhi “Heshiisbaa jiray dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo xukuumaddu inoo sheegtay inuu dhigayey in wixii mucaawinooyin ah ee beesha caalamku ugu talogashay Somaliland inaan haba yaraatee aan loo soo marin Soomaaliya, laakiin arintani waxay muujinaysaa inaan arintaa waxba ka jirin, oo dawladda Turkiga ama beesha caalamku wixii ay deeq ah ee ay Somaliland ugu talogashay ay u soo marinayso Soomaaliya, Markabkana waxa soo habeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya isla-markaana ay ugu talo-gashay maamul Goboleedka Puntland, khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay awgeedna Puntland u celisay, dabadeedna waxay noqotay in Somaliland lagu wareejiyo, markaa taasi waxay caddaynaysaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka xidhiidheen sida Markabkaasi loo maamulayo ama Berbera loo keenayo, waxayna caddaynaysaa in dawladda Turkigu wixii ay Somaliland ugu talo-gashay ay soo marinayso dawladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, taasina maaha mid sharaftii iyo karaamadii Somaliland kor u qaadaysa oo heerkii loogu talo-galay gaadhsiinaysa”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxa kale oo uu sheegay “Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland wuxuu sheegay in deeqda Markabkaasi sido lagu caawin doono gobollada bariga Somaliland, arintaasina waxay caddaynaysaa dariiqii markii hore loogu talo-galay in Puntland lagu soo wareejiyo oo gobollada bariga Somaliland la gaadhsiiyo, in hadda dekedda Berbera loo soo wareejiyey oo halkii markii hore ay ku socotay ay toos u tageyso, taasina waxay muujinaysaa in xidhiidh wadashaqeyneed ka dhexeeyo madaxda xukuumadda Somaliland iyo madaxda Muqdisho fadhida oo ay ka wada xidhiidheen sidii Markabkaasi loo keeni lahaa Berbera” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo cad inaan beesha caalamku kala saarin deeqihii Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana wixii deeq ah in Somaliland ku socda la soo marinayo dawladda Soomaaliya sida tan imika dhacday”.”

Isagoo ka hadlaya markabka ku shuf belay duleedka dekedda Berbera, wuxuu yidhi “Xukuumaddani intaanay talada dalka qaban waxay ku doodi jirtay inay wax badan ka bedali doonto qaabka maamulkeeda iyo qaabka shaqadeedaba isla-markaana ay qalab dadka ka ganacsanaya u fududeyda ay keeni doonaan, intaasiba waxaad moodaa inay waxba kama jiraan noqotay, wax maamul ah oo laga bedalay ma jirto oo lix bilood-baa loogu baahday oo loogu soo celiyey (Cali Xoor-xoor), waxa kale oo aad ogtahay in wax qalab ah oo la taaban karo oo la keenay aanay jirin, waxa kale oo aad ogtahay in aanay jirin wax adeeg fududeyn ah oo dadka ganacsada dekedda aanay jirin.

Waxa kale oo aan meesha ma madhnayn gubashada Maraakiibta dekedda ku xidhan ama ku dhow, inkasta oo qadarku iska jiro haddana qaabka loola tacaalayaa ay tahay mid hooseysa oo aan ahayn qaabka casriga ah ee dekedda caalamku u shaqeeyaan ama uga hor tagga wixii daba ee Maraakiibta dekedda ku xidhan ama hareeraheeda taagan ama dekedda ku yimaada, waxayna caddaynaysaa in qalabkii loogu talo-galay bakhtiinta ama dab-damisku Maraakiibtu inuu weli inagu yar yihiin oo aanay ahayn heerkii loo baahnaa, markaad eegto muhiimada ay dekeddu inoogu fadhido, markaa waxaan soo jeedinaynaa in loo sameeyo guddi mamula dekedda oo la dhamaystiro adeegyadeeda.”

Afhayeenka Waddani, waxa kale oo uu ka hadlay Xayiraad ka qaadista Wargeyska Hubaal “Wargeyska Hubaal xayiraadda saarnayd-baa xaaraan ahayd, qaabkii xadhigeedii loo maamulayna wuu siyaasadeysnaa, xukunkeeduna wuxuu ahaa mid ka baxsan xeerka saxaafadda oo wax lagu xukumay xeerka ciqaabta guud, imikana siyaasaddi kama madhna (Xayiraad ka qaadistoodu), waxaana aan meesha ka madhnayn in dambiyaddii Hubaal laga galay ee isku dayga dil ahaa in arintani tahay mid lagu dambabasayo, laakiin waanu soo dhaweynaynaa xoriyaddaa dib loogu soo celiyey ee markii hore sida dulmigu ku jiro looga xayuubiyey” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu cambaareeyay xadhiga haween mujaahidiintii SNM ah oo doraad ciidamada boolisku xidheen, xili ay aqalka Madaxtooyadda hortiisa cabasho la hor-tageen, waxaanu falkaasi ku tilmaamay fool xumo muujinaysa kalitalisnimo.