Carwadii Labaad Ee Caalami Ah Oo Shalay Hargeysa Ka Furantay

0
527

Hargasya( Geeska )- Carwada labaad ee ganacsiga Somaliland ayaa si rasmiya looga furay hotel Maansoor ee magaaldda Hargaysa.

Carwadan  ayaa ah mid ay ganacsigooda ku soo bandhigayeen 100 shirkadood oo isugu jira kuwo wadaniya iyo kuwo ka yimi dalka dibabadiisa oo  dalka Jabuuti uu ugu horeeyo, waxaanay carwadan  socon doontaa mudo  5 maalmood ah.

Xadhigkajirsta carwadan waxa ka soo qaygbgalay wasiirada wasaaradaha Maaliyada, Ganacsiga,Beeraha, Kaluumaysiga, Gaashandhiga, Cadaaladda,  Ciyaaraha, Boosaha, wasiirku xigeenka caafimaadka, gudoomiyaha ruugta ganacsiga,Maamulayaasha shirkadaha ganacsiga, madaxkale iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayntii gudoomiyaha gudida qabanqaabada carwadan labaad Cali Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay inay ku abaabuleen carwadan saddex dhalinayro ah isla markaasna ay aad u xiisaynayeen in la sameeyo goob  ay shirkadahu alaabooyinkooda ku soo bandhigaan, waxaanu u mahadcaliyay dhamaan ganacsatadii ka soo qabgashay carwadaas.

Wasiirada wasaaradaha kaluumaysiga,beeraha,gaashandhiga iyo gudoomiyaha ruugta ganacsiga ayaa si siman u soo dhaweeyay carwadan, waxaanay ganacsatada ugu baaqeen inay sii horumariyaan ganacsigooda.

Wasiirka wasaarada ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif  Axmed oo ka hadlay carwadaas intaanu xadhiga si rasmiya uga jarin waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ugu horayntii waxa aan u mahadnaqay guud ahaan dhalinyarada iyo ganacsatada hawsha badan ku baxiyay qabashada carwadan ganacsiga ee labaad, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay dalka jabuuti iyo guud ahaanba cidii kale ee ka soo qaybgashay carwadaan.” Hadalkiisa waa uu siiwatay wasiirka ganacsiga waxaanu yidhi “Carwadan waa carwadii labaad ee nooceeda ah, carwooyinka guud marka loo eegana waxaynu qabanay shan carwo oo ka horeeyay oo ay qabatay ruugta ganacsiga,warshadaha iyo beerahu, waxanan rajaynayaa waxii hada ka danbeeyay inay midoobi doonaan oo aynuqaban doono carwo ay ku midaysan yahiin dhalinyaradeena hal abuurka ah iyo ruugteena ganacsigu.”

“Waxa loogu talo galay carwadan inaan xooga idinka fogayno sawaxankii siyaasiga ahaa ee buuqa badnaa oo aad meeshan ka heshaa madadaalo, oo qolayaha siyaasiyiinta ah iyo saxaafada oo iyaduna qaybteeda ka qaadata buuqa siyaasiga ah aan xooga dinka fogayno buuqaas, oo aan idin gayno goob ay dadku isugu iman karaan. Waxaan ugu talo galnay inay noqoto goob ay isugu yimaadaan ganacsatadu oo ay ku wadaagaan wax soo saarkooda iyo  inay dadku helaan goob ay ka adeegtaan oo danahooda u soo koobta iyo inay ganacsatadu ka hesho suuq mudadaas.”

Carwadan oo ay ka qayb galeen shirkado aad u badan oo wadani ah, shirkadaha wadaniga ah ee shalay cududooda muujiyay waxa ka mid ah wershadda Sharaabka ee SBI, shirkadda Dahab Shiil, Shirkadda Telesom, shirkadda SOMTEL, shirkadda Al Nuur iyo kuwo kale oo badan.