Saddexda Xisbi Qaran Oo Ku Heshiiyay Inay Guddi U Saaraan Ismari-Waaga Ka Taagan Arrimaha Doorashooyinka

25
3542

Hargeysa(Geeska)-Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ah ee qaranka ayaa ugu danbaynti isla afgartay inay guddi u saaran is mari waaga ka taagan doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Syalici, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si wada jir ah u sheegay inay ku heshiiyeen  gudi xisbiyada iyo xukuumada ka kooban oo lafa gura arimaha ismariwaagu ka taagan yahay, sida oo kale waxa ay sheegeen in la magacaabay guddi kale oo arimaha siyaasada ee dalka iyo mandaqada wada jir uga kulma kuwaas oo ah madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada.

Ugu horayntii madaxweyne kux igeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo arimahan ka hadlaayay waxa uu yidhi “Xisbiyadii qaran ee mucaaradka ahaa oo ilaa shalayba wadahdalo iyo wada tashi badan ka yeeshay arimaha ina hortaagan ee doorashooyinka iyo xaaladaha guud ee siyaasadeed ee mandaqada ku soo kordhay, sidii dhaqanka Somaliland u ahayd ee mar walba oo arin soo gudboonaato aynu kaga gudbi jirnay wada tashi, waxa laysla gartay laba qodob qodobka koowaad oo ah kii doorashooyinka waxa laysla gartay in dib loo hawl galiyo saddexdii gudi ee sadexda xisbi qaran ka socda oo dib u bilaabi doona wada hadalkoodii iyo inay ka wada hadlaan waxii caqabad ah ee ku gadaaman doorashooyinkaas. Qodobka labaad arimaha siyaasadeed ee mandaqada iyo guud ahana caalamkaba ku soo kordhay iyo dalka sidii horumar loo gaadhsiin lahaa iyadana waxa u balamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi aya au balamay axada soo socota, qarankuna waa talo la wada leeyahay maalinba ninkii loo doortaa ha hoggaamiyo haddana waxa inoo dhaqan ah inaan talo isku mid ah oo dalka lagu dhisaayo laga wada tashado.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhankiis waxa uu yidhi“Maanta waa cusub ayaa inoo bilaabmay, baryahan waan kala fogayn waydinkii naanaysta bixiyay ee yidhi handaraab, handaraabkii maanta waa uu burburay oo furihii ayaa la helay, sidaas uu madaxweyne ku xgeenku sheegay waxaanu isla eegnay arimo badan oo ina hortaagan sidaas ayaa loo kala qaaday oo doorashadu waxay suurto gali kartaa haddii aanay ciladi jirin oo haayaduu aanay shaqayn laakiin jawi aanay doorasho ku dhici karin lagama hadli karo doorasho, markaas in dildilaacii doorashada la kabo gacmaa lays qabsado iyo agabkii iyo diyaar garawgii doorashada in lays garab wado ayaa abada gudi loo sameeyay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahai Cirro ayaa isaguna dhankiisa sheegay waxyaabaha lagu heshiiyay“Laba arimood ayaa laga hadlay oo ajandugu ahaa mid waxa uu ahaa doorashada midna waxa uu ahaa siyaadada ama gudaha ha ahaato ama dibada, qodobka hore ee ah doorashooyinka waxa laysla gartay  in xisbi waliba uu lix xubnood soo xulo dabadeedna la gorfeeyo oo laga wada hadlo arimaha doorashada khuseeya, qodobka ku saabsan siyaasadana waxa laysla gartay kulankii ugu horeeyay ama is bedelada  socda ha nqoto, gudaha iyo dibadaba waxii siyaasad ku saabsan in madaxweynaha labada guddoomiye iyo laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ah ka socda axada laysu yimaado oo laga wada hadlo arimaha khuseeya qaranka, labadaas arimood ayaa laysla soo qaatay waxbana maanta lama gudo galin laakiin waa loo balamay in arimahaas la gudo galo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here