Boqorka Dalka Biljimka Oo La Hor-dhigay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland

0
628

Hargeysa (Geeska) – Dirk Lenaerts oo ah qoraa u dhashay Dalka Biljimka, ayaa Warqad u diray boqorka dalka Biljimka.

Dirk Lenaerts, ayaa Warqadda uu u qoray Boqorka dalkiisa Biljimka, wuxuu ku waydiistay inuu ka hadlo Aqoonsiga Somaliland isla-markaana uu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Biljimka ka dalbado inay arrinta Somaliland horgeyso midowga Yurub.

Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal lagu baahiyey Bog Twitter-ka ah oo looga ololeeyo Qadiyadda Ictraaf-raadinta Somaliland.

Qoraalka lagu baahiyey Twitterka ee arrintan lagu sheegay oo koobnaa ayaa lagu yidhi  “Dirk Lenaerts wuxuu Shalay warqad u diray Boqorka Biljimka, waxaanu kaga codsaday inuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Biljimka kala hadlo Ictiraafka Somaliland, si ay arrintan hor-geyso Midowga Yurub..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office