“Illaa Hadda Waa Lagu Wada Qanacsan Yahay Natiijooyinka Ka Soo Baxay Doorashada..” Xildhibaan Baar Siciid

0
575

Hargeysa (Geeska) – Marwo Baar Siciid Faarax, oo ah haweenayda qudha ee ku jirtay Golaha Wakiillada ee wakhtigu ka dhammaaday, ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee dhawaan dalka ka dhacay, waxayna tilmaamtay inay si wacan oo nabadgalyo ku jirto u qabsoomeen.

Marwo Baar Siciid Faarax oo u warrantay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn waxay tidhi “Doorashooyinkeena oo ahaa laba Doorasho oo isku sidkan, oo kala ah Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Doorashada Golaha Wakiillada, si wacan oo nabadgalyo ku jirto ayeynu qabanay, qof walba oo reer Somaliland ahina xilkasnimo ayuu muujiyey, dhammaanteena si wada jir ah ayeynu uga wada qayb qaadanay inay Doorashooyinku qaabkan wacan inoogu qabsoomaan”.

Mar ay ka hadlaysay siday u aragto natiijooyinka kala duwan ee ka soo baxaya Doorashooyinka waxay tidhi “Anigu Hadda waxaan ku sugan nahay Ceerigaabo, ilaa haddana waxaan ka war qabaa in natiijooyinka ka soo baxay Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka lagu wada qanacsan yahay, natiijooyinka hadhayna waxaan filayaa in lagu wada qanci doono, oo waliba ay soo baxaan natiijooyin caddaalada lagu saleeyay, mar kastana waxaan Shacabka leeyahay nabada ilaaliya”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office