“Beesha Caalamku Waxay Danaynaysaa Inay Doorashadu Wakhtigeeda Ku Qabsoonto”

0
581

3056Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo sida oo kalena hada ka tirsan gudida xalin khilaafaadka u qaabilsan Afrika iyo Yurub u qaabilsan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee geeska Afrika, ayaa sheegay beesha caalamku ay si xooga u danaynaysa arrimaha doorashooyinka, waxaana uu tibaaxay in ay muddooyinkii danbe ay doodooda ugu badani saaran tahay sidii ay Somaliland doorashooyinku ay uga qabsoomi lahaayeen.

Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wariye Cabdirashiid Caynte oo ka tirsan talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu yidhi:"Doorashooyinku waa arrimo aad u waaweyn, imika dooda dadka Somaliland la shaqeeya ama reer galbeed ha noqdaan ama hay'addaha kale ee caalamiga ahba ha noqdaane inta badan baryahan doodu waxaa ay dulsaaran tahay waa arrimaha doorashooyinka waayo dee waa arrimo imika kaabiga Somaliland ku soo haya oo wakhtigoodu taagan yahay, markaa dooda caalamka ee arrimaha Somaliland ku saabsan waxaa ay u badan tahay doorashooyinka, siday Somaliland diyaar garawgeedu uu u socdaa, wakhtigii loogu talo galay tolow ma dhacayaan, haddii ay dhici waayaan Somaliland tolow siday uga tashanaysaa oo ay doonaysaa in dawladaha adduunkuna ay gacan ka siiyaan.”

Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“waa arrimo imika taagan oo siyaasi ah oo marka aad eegto imika gudaha Somaliland doodaasina waa mid ka jirta debadana waa ay ka socota gaar ahaan kuwa Somaliland la shaqeeya, waxaa Somaliland lagu yaqaanay in doorashooyin dimuqraadiyadeed ay ka dhacaan oo waliba ay u dhacaan si nabad galyo ah, waxaa kale oo Somaliland lagu yaqaanay in marka ay doorashooyinku dhamaadaana si  nidaam wanaagsana ah awood loola kala wareego, markaa waxaan rajaynayaa in aan dhaqankaasi dhamaanin oo uu socdo.".