Boqor Buurmadoow Oo Shalay Loo Dhaadhiciyay Xabsiga Mandheera

0
591

 

buurHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somailand ayaa subaxnimadii hore ee shalay xabsiga Mandheera u dhaadhicisay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, oo ay maxkamadda gobalka Hargeysa Axadii ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah.

 

Boqork oo ay maxkamadu ku weyday eedihii ay xeer ilaalintu ku oogtay, ayaa loo cuskaday qodobka 26aad ee xeerka Ciqaabta guud oo tilmaamaya ceebaynta  iyo dhaleecaynta madaxda qaranka, waxaanay maxkamadu ku xukuntay xadhig sannad ah oo uu sharcigu u ogolaanayo inuu iibsan karo, isagoo xabsiga ku jiray muddo afar bilood ah. Laakiin sida uu Geeska Afrika sheegay qareenkiisa Mr. Barkhad JaaMAC Aar, subaxnimadii hore ee shalay ayaa boqorka loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera. Qareenku wuxuu sheegay in Boqorka Mandheera loo qaaday iyadoo aanay ka tashan xukunka lagu riday inay rafcaan ka qaadan doonaan iyo in kale, “Markii aan aroornimadii tagay maxkamdda ayuun baa laygu yidhi Boqorkii mandheera ayaa loo qaaday marka horena layma sheegin, inuu rafcaanka qaato iyo inuu iibsadaba waxay u baahnayd in aan ka tashano, markaas halkii aan ka wadatashan lahayn sida aan yeelayno ayaa jeelka Mandheera loo gubiyay.” Ayuu yidhi Qareenku.

Waxaanu intaas raaciyay “Xadhigan hadduu iibsanayo boqorku afar biloodba kama uu badnayn, in Mandheera la geeyana may ahayn waayo waa uu xanuunsanayay oo macaan iyo dhiikarba waa uu leeyahay oo daawooyin buu u baahn yahay, danbi culusna muu galin. Waxaan leeyahay ninkaas xuquqdiisii meel baa lagaga dhacay oo waxba lagama sugin.”