Fanaankii Aweys Khamiis Oo Fankii Ka Baxay, Una Dalacay Sheekhnimo

0
786

 

“Somalida waxaan ka codsanayaa cajaladahaygii ciddii haysata inay iska jejabiso, waayo anigu Waan……

awaysHargeysa(Geeska)-Aweys Khamiis oo ahaa fanaan Somali ah ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga baxay badweyntii fanka una wareegay dhinaca diinta iyo faafinta Islaamka.

 

Aweys Khamiis oo tan iyo sannadkii 1972 ku soo dhex jiray fanka ayaa wakhtigan oo uu qurbaha ku noolyahay, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka baxay, isagoo bulshada fanka xiisaysana ka codsaday inaanay dhagaysan heesihii uu hore u duubay oo uu sheegay inuu ka toobad keenay. Aweys oo isagoo ay ka muuqato astaamaha ku dhaqanka diinta islaamka waraysi bixiyay, wuxuu ka hadlay farqiga u dhexeeya fanka iyo Sheekhnimada. Aweys, oo caan ku ahaa heesaha banaadiriga ah  oo uu weriyaha waraysanayay ugu yeedhayay Sheekh Aweys, ayaa wuxuu yidhi  “Waxaan ka hadlaya cajadlihii aan hore u duubay intii aan fanka ku jiray, Somalida waxaan ka codsanayaa cajaladahaygii ciddii haysata inay iska jejabiso, waayo anigu waan ka baxay badaas iyo fankaas, fankii aan ka baxay heesahayga inaan la dhagaysan oo layga joojiyo ayaan codsanayaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aweys.

Aweys oo ku labisan khamiis, cimaamad, koofiyad lana baxay gadhka waxa la weydiiyay farqiga u dhexeeya fanka iyo sheekhnimada, waxaanu yidhi  “Farqi weyn ayaa u dhexeeya, markii hore waan lunsanaa oo dariiq xun ayaan ku taagnaa, laakiin hadda dariiqii xaqa ahaa ayaan ku taaganahay, waxaan shaqaynayay 30 sannadood, hal shilin maan dhigan jirin, imikana shan sannadood ayaan hanuunsanaa gurigaygiina lacag ayaa ka buuxda, oo hadda waxaan doonayaa inaan Xajka tago oo aan Cimradan baxo.”

Dhibaatooyinka fanka oo la weydiiyay, wuxuu Sheekh Aweys kaga jawaabay, “Waxyaabo badan oo dhibaato ah ayuu leeyahay, heesaha alifaadooda waa inaad ugu horayn jaad cuntaa, qof aan balwad lahayni fanka maba geli karo, waxay u badanyihiin inay jaad iyo khamri cabaan, laakiin kuwo yar ayaa jira oo nadiif ah, waa inaad caawa oo dhan soo jeedaa, mashaakilaad aan loo baahnayn oo xaaraan ah ayuu kugu kelifayaa. In la heesaa waa xaaraan, miyuusig in la tumaa waa xaaraan, xataa nashiidooyinka waan joojiyay inaan duubo.”