12 jir Soddonka Jus ee Qur’aanka dusha ka xafidsan, 12 saac oo keliyana ku akhriyi kara dhammaan 114 suuradood: Diyaariye Kamaal Axmed Cali.

0
2222

 

wiiilIndia- Talefishanka NDtv oo laga leeyahay dalka India ayaa baahiyey qisada arday 12 sano jir ah oo Soddonka jus ee Qur’aanka Kariimka ah dusha ka xafidsan. Arrinta qisada wiilkan yar mucjisada ka dhigtay ayaa ah in uu awoodo inuu 114-ka suuradood ee uu ka kooban yahay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ahi ku akhriyi karo 13 saac oo keliya iyo in mar keliya aanu ku waabanayn akhriska ama aanu qalad yari ka gelayn dhawaxa iyo xeerarka akhriska Qur’aanka.

Wiilkan yare e Qur’aanka Xafidsan oo lagu magacaabo Muxammed Dabiixallaah oo degen magaalada Axmed Najar oo ka tirsan gobolka Maharashtra ee dalka India ayaa 5-tii bishan July 2012-ka si rasmi ah loo aqoonsaday xiftigiisa kadib markii tiro culimada waaweyn ee deegaanka ah iyo maamulaha dugsiga diiniga ah ee uu Qur’aanka ka bartay ay ka eegeen Qur’aanka xiftigiisa iyo muddada uu ku khatimi karo.

Sida uu warku sheegay culimadan xeer beegtida ahayd ayaa amakaag iyo af-kala qaad uu ku noqday qaabka Qur’aan akhriska iyo xafidsanaanta Qur’aanka ee wiilkan da’da yar, imtixaanka kadibna waxa ay xeer beegtidu meel fagaare ah dadka uga sheegtay in Maxamed aanu mar keliya ku margan Qur’aanka uu akhriyayey isla markaana aanu qaladaad kale gelin. Isaga oo qur’aankana ku xafiday muddo 8 bilood ah oo keliya.

Waa dhacdo dhiirrigelin u ah waalid kasta oo raacaya jidka saxda ah ee ah in uu ilmihiisa Qur’aanka Kariimka ah xafidsiiyo, waana qiso muujinaysa in ilmuhu da’daa iyo ka yarba si fiican ugu xafidi karo Qur’aanka. Taas oo ajar iyo xasanaad u noqonaysa waalidka ilmahana fure ifaya uga noqonaysa noloshiisa mustaqbalka oo dhan.