Boqolkiiba 92 Daqiiqda Dunida Maanta Lagu Isticmaalo Waxaa Dhoofiya Dalka Turkiga

0
913

Ankara (Geeska)- Masuul ka tirsan dawladda Turkiga ayaa caddeeyey in tirada dalalka adduunka ee uu Turkigu u dhoofiyo daqiiqdu ay gaadhay 160 dal, taas oo ka dhigan in qiyaas ah boqolkiiba 92 dadka dunida ku nooli ay daqiiqda ka helaan dalka Turkiga.

Maareeyaha labada warshadood ee soo saara daqiiqda Turkiga Aran Gonhaan Olowsuwi oo la hadlay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool ayaa sheegay in xawaaraha korodhka daqiiqda uu Turkigu soo saaraa uu aad kor ugu kacay intii ka dambaysay sannadkii 2003. Waxa aanu gaadhay heer beerihii qamandiga ee gudaha Turkigu ku filnaan waayaan baahida waxsoosaarka daqiqida, kadibna uu Turkigu dibadda ka soo dhoofsado qamandi si warshadaha loo geliyo oo inta daqiiq laga dhigo dib loogu dhoofiyo dibadda.

Maareeyuhu waxa uu tilmaamay in waxsoosaarka daqiiqda ee Turkigu uu 15 kii sano ee u dambeeyey kor u kacay qiyaas ah 14 laab. Tusaale ahaan sannadkii 2002 halkii uu ka ahaa 253 kun oo ton ayaa uu sannadkii hore ee 2016 waxa uu gaadhay 3 Milyan iyo badh ton. Taas oo keentay in dhaqaalaha dalka Turkiga ka soo gala dhoofinta daqiiqda oo markaa hore ahaa 47 Milyan oo doolar in uu gaadhay 80 Milyan oo doolar. Suuqa ganacsiga daqiiqda ee adduunka oo dhanna uu dalka Turkigu ka noqday boqolkiiba 30.

Mudane Aran Gonhan waxa uu sheegay in marka la eego daqiiqda uu Turkigu u dhoofinayo 160 dawladood ay celcelis ahaan ka dhigan tahay qiyaas ah in 10 kii qof ee kasta ee dunida maanta ku nool 9 ka mid ahi ay cunaan daqiiqda Turkigu soo saaro. Dalka Ciraaq ayaana ah ka daqiiqda ugu badan Turkigu u iibgeeyo, iyada oo boqolkiiba 40 waxsoosaarka daqiiqda ee Turkiga loo dhoofiyo dalkaas. Dalalka kale ee Turkigu daqiiqda u dhoofiyaana waxaa ka mid ah, Sudan oo kaalinta labaad ku jirta kadibna dalalka Suuriya, Angola, Filibiin, Madagaskar iyo Indooniisiya oo sidan u kala horreeya.