Garyaqaan Maxamed Saalax Oo Ku Taliyey In Golaha Wakiilladu Ka Fiirsadaan Ansixinta Xubnaha Cusub Ee Komiishanka Doorashada

0
600

Hargeysa (Geeska) – Garyaqaan Maxamed Saalax Maxamed Cige oo ka mid ahaa Mudaneyaashii hore ee Golaha Wakiillada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee dalku halkay marayso, gaar ahaan Komishanka cusub ee la magacaabay, waxaanu tallo siiyey Xildhibaanada bedelay, isagoo ugu baaqay inay aad uga fiirsadaan oo qodobo sharci u eegaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

Garyaqaan Maxamed Saalax Maxamed Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sidoo kale fariin gaar ah u diray Madaxweynaha, isagoo sidoo kalena ka hadlay Siyaasi Cabdiqaadir Jirde oo dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Komishankii hore ee Doorashooyinka way iscasilaan, Komishan beddela ayaana la magacaabay, markaas Mudenayaasha Wakiillada waxaan leeyahay sharci baynu leenahay, shuruuc baynu leenahay, xeerar aynu dhiganay ayeynu leenahay idinku wax kaleba samaynin xubnaha Komishanka ee la soo wada xulay ee ay soo xuleen cidda awoodda u leh Mucaarad ha haadan, Muxaafid ha ahaadan, Madaxweynaha ha ahaado, Guurtida ha ahaato, idinku sharciguun u eega, oo wuxuu sharcigu qabo ugu caddeeya”.

Mar uu Madaxweynaha farriin u diray wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne adigu waxaad kursiga ku fadhidaa waa sharci, sharci baana lagugu doortay, ee haddii aad sharciga ka hor timaado, adigana sharcinimadaada ayaa la diidayaa, ee waxaad ku dadaashaa inaad sharciga ilaaliso, oo aad Doorashada wakhtigeeda ku qabataa, adigoo daacad ka ah, Doorashada oo dib u dhacdaana dhib iyo dib u dhac inoogu yimaada mooye, wanaag inooma llaha”.

Mar uu ka hadlaayey Cabdiqaadir Jirde wuxuu yidhi “Cabdiqaadir Jirde, waa ruug cadaa siyaasiya oo  miisaan culus ku leh dalka iyo dadkaba, waa masuul wax badan inoo taray, dadka isaga la midka ahina aad bay u yar yihiin, waxaana igu ducaynayaa inuu ALLE cimriga barakeeyo, waxaana xaqiiqo ah in aanu muddo dheer isku Gole ahayn, wax badana waan kaga daydaa”

Geeska.net/Hargeisa Office