Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Laba Dhallinyaro Ah Oo Hargeysa Midba Ka Kale Ku Qasbay Inuu Cagaha Ka Dhunkado

34
2963

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka ciidanka boolisa Faysal Xiis ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku soo dhigeen laba dhalinyaro ah oo Hargeysa gudaheeda isugu gaystay afduub, isla markaasna isku qasbay dhaqan dalka ku cusub oo ay inay kabaha isu dhunkadaan si ay isu raaligeliyaan.

Labadan dhalinyarada ah ayaa iska duubay laba muuqaal oo laysugu jawaabayo kuwaas oo midba midka kale uu ku qasbaayo isaga oo koox wata in cagihiisa la dhunkado, waxaana boolisku uu sheegay in maxkamad la soo taagi doono.

Afhayeenka booliska Somaliland Faysal Xiis oo warbaahinta kula hadlaayay Hargeysa waxa uu yidhi”Ciidanka boolisku waxay soo qabteen laba eedaysane  oo kooxo kala wata kuwaas oo isku samaynaayay afduub, markay afduubkaas sameeyaan waxay iska qabanayeen cajalado, iyada oo kooxiba ka kale ay ku leedahay markay qabtaan cagaha iga dhunko.”

Afhayeenka boolisku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi”waa fal ugub inagu ah, waa faldanbiyeed aad iyo aad u culus, waxa falkaas daba socota qabyaalad amaanka oo ay khalkhal culus galinayaan, waa ay xidhan yihiin insha allaahu waxa la horgayn doonaa maxkamada oo awood u leh. Waxa ay sida oo kale galeen danbi ah inay aflagaado u gaystaan diinteena islaamka iyo nabigeenii suubanaa CSW oo waliba ay iska duubaan, waliba waxa ay galiyeen barihii bulshada, waa fal ugub ah oo aan waligeed hore uga dhicin Somaliland.”

Ciidanka booliska ayaa ugu danbayntii sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan dhamaan labadii kooxood ee falkan ka qaybgalay”Labadaas nin cidii la socotay ciidanka boolisku waa ay ku daba jiraan oo kama hadhayana ilaa la soo qabto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here