“Gobalka Awdal Ee Aan Ka Soo Jeedo, In Aniga Laygaga Shubtay Mooyaane, Wax Anigu Aan Ku Shubtay Oo Ila Socdaa Ma Jirto”

0
834

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa ka hadlay sida xisbi ahaan ay u arkaan kala dirista komishanka doorashooyinka ee xisbiga Waddani ku dhawaaqay, awooda uu ku leeyahay talada xukuumada madaxweyne Muuse iyo inuu isku soo taagi doono jagada madaxweyne.

Waraysigan oo inta badan oo ay madaxweyne-xigeenka wada jir ula yeesheen Weriye Xamse Cali Bulbul Iyo Weriye Badri Koosaar Oo Ka Kala Tirsan Hctv Iyo Eryal Tv, ayaa u dhacay sidan;

Dhawaan guddoomiye Cirro waxa uu soo jeediyay in la kala diro komishanka doorashooyinka dooda noocaas ah maxaad ka qabtaan?

Taasi waa fikirkooda u gaarka ah, warqaduna waa ay na soo gaadhay anaguna ka xisbi ahaan lama qabno fikirkiisa talo midaysan ayaanu ka yeelanaynaa aniga iyo madaxeynaha iyo inta kale ee xisbiga, markaas rayiga aanu ka qabno waanu soo gudbin doonaa hawshaas.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa wadar iyo waaxid iyamaa waalan, waxaanu u aragnaa in doorasho xor iyo xalaal ahi ay dalka ka qabsoontay, waxa ka markhaati kacay dhamaan goob joogayaashii caalamiga ahaa oo Somaliland ka baxsan, oo u joogay ilaa natiijadu ay soo baxaysay, markaas inaanu si xalaal ah ku soo baxnay ayaanu u aragnaa, gaar ahaan hadaan ka hadlo  gobalka awdal ee aan ka soo jeedo in aniga layga shubtay mooyaane wax anigu aan shubtay oo ila socda ma jirto ayaan leeyahay.

Maadaama oo aad muddo dheer ahayd madaxweyne ku xigeen ma isku soo sharaxi doontaa madaxweyne?

intii aan qaranka u soo shaqayn karaayay waan u soo shaqeeyay,labadii sano ee dastuuriga ahaana waa ay ii dhan yihiin, waxii intaas ka danbeeyana taladeeda ayay u taala,waxii alle qoro ayuunbay noqonaysaa ,anigu waxaan qabaa inaan dadka ka nasiib badanahay, laba nin oo waayo arag ah oo mujaahidiintii SNM ahaa oo dhib badan dalkan u soo maray inaan labadiiba madaxweyne ku xigeen u noqdo, inaan dadka kaga nasiib badanahay ayaan u haystaa, waa laga yaabaa in marmarka qaarkood waxyaabaha qaar laysku qabto taasna shaqada ayuunbaa keenta.

Mucaaradku waxay ku doodayaan in dawladu ay dhinac ka rarantahay oo gobalka Awdal ee aad ka soo jeedo iyo barigu aanay ka dhex muuqan, beesha dhexe oo badsatay ay hadana sii kala badsatay, ma kuu muuqataa inay xafiiskiina ka jirto cadaalad daro intaas leeg?

Waxii waa bilow marka dawlada madaxweyne dhamaystiro ayuunbaa la qiyaasi karaa, dawladu ma dhamays tirna oo intii siyaasiga ahayd ayuunbaa dhamaystirantay, haayadaha madaxa banaan iyo agaasimayaashiiba waa ay socdaan, markaas dadku qaladka uu fahansan yahay waxa weeyaan madaxweynuu intan uu magacaabay ayuunbay tirinayaan, laakiin intii uu uba daayay inay sii shaqeeyaan, miisaan aynu odhan karno waa uu is waydaartay ilaa madaxweynuu uu dhamaystiro dawladiisa, wax cadaalad daro ah oo muuqataa ma jirto.

Intii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo aad xilka la haysay xanta suuqa ku jirtaa waxa ay ahayd talada Saylici qayb kama aha oo dad kale ayaa talinaaya, intii Muuse Biixi aad la shaqaynaysay talada dalka wax ma kaa siiyaa?

Aad iyo aad waanu wada shaqaynaa, maalin walba waanu wada joognaa oo talada waanu wada leenahay.

Ugu danbayntii fariinta aad shacabka u diri lahayd maxay tahay?

Reer Somalilanoow maanta guul taariikhi ah ayaa inoo soo hoyatay, maanta in aynu gaadhnay in aynu heshiis la gaadhno dawlado caalami ah in mashruucii Dp World ee aynu soo bilownay 2016-kii uu guulaystay, in shirkadii dekedaa  maamulaysay,Itoobiya oo jaarkeena ah iyo inagu aynu u midownay dagaalka socda iyo hinaasaha ka socda Somaliya ee aad arkaysaan, umadda Somaliland waxaan leeyay waxii dhexdeena yaala inoo dhiga maanta cadowgeenu waa uu faro badan yahay iftiin ayaana inoo muuqda oo Somaliland in xag maalgashi iyo ictiraafba uu iftiin weyn inoo yimi mudadaas u danbaysay, markaas iskaashi iyo arintan doorashadu keentayna inaan gees iska dhigno oo aynu u midawno daafaca dalkeena.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here