Wasiirul-Dawlihii Macdanta Ee Xukuumadii Siilaanyo Oo Ceerigaabo Lagu Xidhay

37
3296

Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay wasiirul dawlihii hore ee macdanta ee xukuumadii hore Mr. Cabdiraxmaan Simoodi oo ay weheliyaan dad ajaanib ah.

Guddoomiye Tiimbaro, wuxuu sheegay in xadhiga wasiirul dawlaha hore iyo kooxdan ajaanibka ah ee la socotay laga soo amray Hargeysa, “Dawladda sare ayaa amartay xadhigooda, waana laga saarayaa gobalka wax alle wixii noocaas ah ee soogala, looma ogola buuraha, kolay gobal ahaan waanu iska gudbinaynaa wax alle wixii gobalka soo gala ee buuraha u socda.”

Wasiirul dawlahan hore waxa weheliyay dhawr qof oo ajaanib ah oo u dhashay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo China, waxaanay wadeen hawl macdan gurasho ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here