Waddani Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inaanu Ku Dhiiranin Cabudhinta Saxaafadda

16
737

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag u dhaliilay xeerka cabudhinta xanbaarsan ee ay warbaahinta u samaynayso xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ka hor imanayso xoriyatul-qawlka uu dastuurka dalku balan qaaday,isla markaasna ay u soo tafa xaydatay inay la wareegto warbaahinta madaxa-banaan una taliso.Xisbiga Waddani waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruntiisa.

Ugu horayntii xog-hayaha qorshaynta ee xisbiga Waddani Eng.Cabdirashiid Maxamed Cali, oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi “Shirkan jaraa’id waxa uu daaranyahay arimo dhiilo xanbaarsan oo ah xeer loo soo macmalaayo in saxaafada lagu cabudhiyo,guud ahaan waxa uu ka hor imanayaa dastuurka Somaliland, waxaanu jabinayaa xeerarkii hore ee saxaafada marka qodob-qodob loo raaco, waxaynu wada leenahayna waa xeerka iyo dastuurka dalka, haddii la jabiyana wax aynu isku xukumaynaa meesha ma yaalaan,waxa uu ka hor imanayaa shurcuucda caalamiga ah ee saxaafada, inaguna ma nihin geed cidla ku yaal’ee waxaynu nahay ummad ka tirsan dunida oo ay tahay inay ixtiraamaan shuruucda caalamiga ah,waxa uu meesha ka saarayaa nidaamkii ganacsi ee xorta ahaa oo qofka haddii la yidhaahdo waxba ma yeelan kartid ma, garanaayo waxa uu yahay ganacsiga xorta ah ee aynu ka hadlayno,waxa uu meesha ka saarayaa shuruucdii saxaafada ee wax lagu hagi lahaa oo waxa la leeyahay waxa loo samaysanayaa dad meelo laga soo ururiyay oo cid ku kalsoon aanay jirin,ummaduna aanay raaci doonin,intaas oo dhan marka la eego iyo saamaynta uu ku leeyahy qodabka 31-aad ee dastuurka iyo xeer 14-ba, markaynu ka gudubno shuruucda uu ka hor-imaanaayo ee uu burburinaayo,waxa uu ka dhigayaa saxaafada iyo xoriyatul qawlkiiba waxaan jirin,waxaynu dib ugu guuraynaa inay Xidigtii Aktoobar noqdaan jaraa’idka Somaliland iyo in warbaahintu noqoto nidaamkii kacaanka.Waxaynu umadda u sheegaynaa in aynaan dib ugu noqon karin,qaadi karin in aynu dib ugu noqono kacaankii iyo digtaatooriyadii Maxamed Siyaad Bare aynu ka baranay.”

Eng.Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada Kulmiye maanta halkaad joogo cod iyo dimuqraadiyad ayaad ku timaadeen oo laydinku doortay,laydinka aqbali maayo inaad ku tagri fashaan,waxaanu leenahay xeerkaas halka uu joogo halagu baabiiyo,golaha baarlamaanka yaan la keenin,xukuumadu yay ka hadlin, yuu noqonin wax la soo hadal qaado.xisbiga Waddani waxa uu arintaas iska taagayaa halka ugu adag ee uu iska taagi karo waxaan u diyaar  yahay inuu wax kasta oo awoodiisa ah kaga hortago.”

Xog-hayaha warfaafinta xisbiga Waddani Maxamed Xasan Dirir ayaa isaguna dhankiisa xukuumada iyo madaxweynahaba si adag ugu dhaliilay xeerkan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaynu wada ogayn sideedii sanadood ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka mucaaradka ka ahaa saxaafada madaxa-banaani  sideedaas sanaba ilmaday ka tiraysay,maanta markii uu talada dalka qabtayna waxa uu soo tafaxaytay isaga iyo xukuumadiisuba inay yidhaahdaan waxaanu la wareegaynaa Wargeysyadii iyo Tv-yadii madaxa-banaanaa ee xoriyatul qawlka Somaliland. Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay doonaysaa inay la wareegto dhamaan warbaaintii madaxa-banaanayd ee dalka oo ay ka qaado dadkii lahaa,waxay doonaysaa inay warbaahinta madaxa-banaan ee dalka ay iyadu maamusho,umadda Somaliland waxaanu u sheegaynaa inay ka dhiidhiyaan xad gudubka ay xukuumadu u gaysanayso saxaafada madaxa banaan ee dalka,saxaafada madaxa-banaan waxaanu ku amaanaynaa siday u garab istaageen ee ay ugu hiiliyeen ee ay u dhiseen dimuqraadiyada Somaliland iyo sida ay u ilaaliyeen xoriyatul qawlka dalku uu ku caano maalay,xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu balan qaadayaa saxaafada madaxa-banaan inuu xiil iyo hooba la garab joogo oo aanay xukuumada Axmed Siilanayo fursad u siin doonin inay qaado talaabooyin ay dalka kaga dhigayso kali-talis.”

 

Comments are closed.