Bishaaro Caafimaad: Bunka Oo La Ogaaday In Uu Ka Hortag Iyo Dawo U Noqon Karo Cudurka Macaanka

0
866

Kobenheegan (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan cisbitaalka jaamacadeed oo lagu magacaabo Aarhus ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in maadadda lagu magacaabo Cafestol oo ugu badan bunku ay si weyn u caawiso hoos u dhigidda heerka macaanka ee dhiigga ku jira, beddelkeedana ay kordhiso xaddiga dheecaanka Insuliinta ee uu soo saarayo ganacu.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay in tijaabooyin ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ay ku ogaadeen in maadadda Cafestol ay kordhiso awoodda uu ganacu u leeyahay soo saarista unugyada kordhiya Insuliinta. Waxa kale oo maadaddani ay yaraysaa Gulukoosta dhiigga.

Cilmibaadhayaashu waxa ay daraasaddoodan ku soo gabagabeeyeen in bunku uu kaalin muuqata ka qaadan karo yaraynta khatarta cudurka macaanka noociisa labaad, isla markaana ay suurtogal tahay in uu noqon karo dawo ka hortag u ah cudurkan.