Bil Bilaa Sonkor Ahi Waxa Ay Wanaajinaysaa Caafimaadka Jidhka Iyo Maskaxda, Waxa Aanay Dhimaysaa Miisaanka

0
1397

Berlin (Geeska)- Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka oo lagu magacaabo STERN ayaa baahiyey warbixin uu ka diyaariyey natiijada tijaabo uu sameeyey qoys u dhashay dalkaas, oo ahayd in ay muddo bil ah iska ilaaliyaan isticmaalka gebi ahaanba sonkorta. Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo shabakadda Carabi 21 ka soo xigatay wargeyska STERN ayaa lagu sheegay in qoyskan waayo-aragnimadooda lagu soo bandhigay barnaamij wacyi-gelin ah oo la doonayey in dadka looga digo isticmaalka badan ee sonkorta, iyada oo tiro-koobyadii u dambeeyey ee dadka dalka Jarmalka lagu sameeyey ay muujinayaan in muwaadin kastaa celcelis ahaan sannadkii isticmaalo sonko gaadhaysa 35 Kiloogiraam, taas oo afar laab ka badan xaddiga sonkorta ay haayadda caafimaadka adduunku ku talisay in qofku uu isticmaali karo si aanay caafimaadkiisa u waxyeellayn.

Qoyskan ayaa caddeeyey in ay marka hore si caadiya u cabbi jireen cabbitaannada kala duwan, sida sharaabada soodhaha leh, sharaabka dabiiciga ah, Sabaadiga darayga ah, cuntooyinka fudud, iyo dhammaan cuntooyinka iyo cabbitaannada sonkorta lagu daro ama lagu warshadeeyo, sida mac-macaanka, (Xalwadaha iyo nacnaca), Jibista warshadaysan, Kiriimka Nutela ee roodhida la marsado, sharaabbada qasacadaysan ee sonkorta leh.

Laakiin waxa ay go’aansadeenin ay muddo bil ah joojiyaan cuntooyinkaas sonkorta leh, waxaaanay diyaarsadeen cuntooyin aan sonkor lahayn oo bishaas oo dhan ay cunaan, iyaga oo iska ilaalinaya, noocyada macaanka oo dhan, iskuna koobay cunista noocyada hilibka, caanaha iyo khudradda cagaaran.

Tijaabada ka hor:

Qoyskani intii aanu sonkorta ka soomin waxaa la geeyey shaybaadh caafimaad oo hubiya xaaladdooda, waxaaaa lagu arkay, shaybaadhadii qoyskan lagu sameeyey oo si gaar ah ula xidhiidhay dhinaca dhiigga, beerka iyo miisaanka:

– Claudia oo ahayd hooyada qoyskan, caafimaadkeedu waxa uu ahaa inta caadi ahaan loo ogol yahay qofka, miisaankeedu waa  uu saxnaa marka loo eego jidhkeeda.

-Carruurta oo ahaa laba hablood iyo wiil ayaa labada hablood ee Celine iyo Blain iyagana wax dhib caafimaad ah laguma arkin, marka laga reebo caafimaadka maqaarkoodaoo aan aad u fiicnayn. Wiilka oo ahaa Fabio waxaa lagu arkay in miisaankiisu ka sarreeyo intii caafimaad ahaan isaga ku habboonayd.

– Odayga qoyskan ayaa isagana lagu arkay xaalad ka duwan inta kale, miisaankiisu waa uu ka badnaa intii caafimaad ahaan jidhkiisa ku habboonayd, baadhitaanno caafimaad oo beerkiisa lagu sameeyeyna waxaa lagu arkay in ay xaydh badani ku beerantay, shaybaadhka dhiiggu waxa uu muujiyey in uu khatar u yahay xanuunka macaanka iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Sida warbixinta lagu sheegay si guudna qoyska waxaa loogu arkay in maskaxdooda uu ka yaraaday u-fiirsigu.

Bil sonkor la’aan ah kadib:

Markii qoyskani uu soo dhammaystay bil aanay sokor isticmaalin kadib waxaa markale la geeyey xarun lagu cabbiro heerka nafaqada qofka iyo caafimaadka guud, shaybaadho lagu sameeyeyna waxaa ka soo baxay saamaynta ay sonkor la’aantii keentay oo noqotay:

– Aabaha qoyska oo lagu magacaabo Creston jidhkiisu waa uu dhismay, haddana miisaankiisu hoos ayaa uu u dhacay 3.1 kiiloo, shaybaadhaduna waxa ay muujiyeen in khatartii wadne xanuun iyo macaan ee looga baqayey hoos u dhacday.

– Claudia miisankeedu hoos ayaa uu u dhacay 2.3 kiiloo.

– Wiilka Fabio isna miisaankiisu waxa uu hoos u dhacay 1.2 Kiilo. Heerka dhiiggiisuna waa uu fiicnaaday, arrinta kale ee muhiimka ahina waxa ay tahay in calooshiisu ay yaraatay 5 Sentimitir.

– Celina iyada tijaabadan kadib waxaa fiicnaaday caafimaadka maqaarkeeda oo marka hore aan wanaagsanayn.

Si guudna waxaa soobaxday in sonkor la’aatu ay wanaajisay caafimaadka qoyska, gaar ahaan dhinacyada miisaanka, shaqada maskaxda iyo maqaarka.

Laakiin dhianca kale waxa ay qoysku sheegeen in kharashka lagu bixiyo cuntooyinka bilaa sonkortu uu ka qaalisan yahay kharashka cuntooyika sonkorta leh, iyaga oo tusaale u soo qaatay in bishii ay karantiinka kaga jireen sonkorta ay biil ahaan u isticmaaleen lacag u dhiganta 905 doolar halka ay hore ka isticmaali jireen 531 doolaroo keliya