Hargeysa: Bulshada Oo Wax Iska Weydiisay Boolis Habeenkii Jidadka Tuban Iyo Jawaabta Taliye Saqadhi

0
942

 

saqadhiHargeysa(Geeska)-Labadii habeen ee u dambeeyay waxa jidadka magaalada Hargeysa la soo dhoobay ciidamo boolis ah oo baadhaya baabuurta magaalada iskaga gooshta iyo wax kasta oo ku jira.

Ciidamadan oo lagu arkayay inta badan ee jidadka caasimadda iyo weliba qaar ka mid ah xaafadaha oo ay gaaf wareegayaan, ayaa waxa ay dadku iska weydiiyaan su’aalo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca ammaanka iyo waxa ku soo kordhay. Hase yeeshe taliyaha guud ee ciidamada Booliska Md. Maxamed Saqadhi Dubad, oo uu Wargeyska Geeska Afrikaxalay weydiiyay inay jiraan waxyaabo cusub oo ammaanka ku soo kordhay ayaa sheegay inaanay waxba jirin balse ay xoojinayaan ammaanka taas oo shaqadooda ah, “Waxba ammaanka kumay soo kordhin ee waa shaqo caadi ah.” Ayuu yidhi taliye Saqadhi, waxaanu intaas raaciyay, “Waanu taxadiraynaa maaha inaanu sugno uun, markaas waa wareeg shaqadayada ah oo caadi ah.”

Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa qoray inay ciidamada ammaanku heleen xog sheegaysa in la soo maleegay shirqoolo ka dhan ah ammaanka guud ee qaranka, waxaanay intaas raaciyeen inay jiraan dad kala duwan oo arrimahaas loo xidhxidhay iyo weliba kuwo kale oo lagu daba jiraa.