Madaxweyne Biixi Oo Xisbiga Waddani Ku Gacan-Saydhay Cabashada Ay Ka Muujiyeen Xubnaha Uu U Soo Xulay Guddiga Doorashada

0
683

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu aqbalaayo golaha wakiilada haddii uu ku soo celiyo saddexda xubnood ee komishanka doorashooyinka u magacaabay, waxaanu dhaliil u jeediyay warqada uu xisbiga Waddani ku joojiyay xubintiisa isaga oo kaga cabanaaya xubnaha madaxweynuu uu soo magacaabay.

Madaxweyne Biixi ayaa arintan si cadho ka muuqato uga hadlay isaga oo jooga xuska maalinta cuntada adduunka oo Hargeysa lagu qabtay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay    “Labada xisbi ee mucaaradka ah waa ay fikireen waxa ay keeneen labadii xubood ee sharcigu uu yidhi soo jeediya kumaan farogalin rayigoodii, waayo cidbaa sharciga u danbaysa intayadaba dib u eegaysa siday ahayd ayaan u qaaday, guuritduna way ii keeneen iyagana kumaan farogalin. Aniguna intii sharcigu I faray ayaan soo xulay waan isku daray maxkamad ayaa la gaynayaa dadkaas maxkamaduna waa baarlamaanka, baarlamaanka ayaa la leeyahay sharcigii aad dhigteen ee aad ansixiseen dadkaas la soo naqeeyay sharcigii ma waafaqsan yihiin, shir gudoonka baarlamaanka oo kaliyaati ma laha awoodaas waxa leh gole weynaha baarlamaanka, way faaqidi way ka doodi, gudibay u saari marka danbe cod ayay u qaadayaan, haddii aniga laygu soo celiyo kuwii aan magacaabay iyo haddii xisbi lagu soo celiyo ceeb maaha ee kuwo kale ayuunbaa la keeni oo waa la sixi, haddii ay sii wada daayaana waa awoodoodii.”

Madaxweyne Biixi waxa uu dhaliilay xisbiga Waddani “Xisbigu aniga ayuu dib ii maagay intuu madaxweynuhu sidaas yeelay oo sidaas yeelay, ma yeelin waxba ee sharcigiibaan raacay imikana awoodu gacantayda kuma jirto ima canaanan karaanba baarlamaanka ayay u taalaa waliba gole weynaha wax alle iyo waxuu goluhu soo saarana waan ku qanacsanahay waanan aqbalayaa haddii ay soo celiyaan waan badali haddii ay siidaayaan waa si wanaagsan, markaas wax buuq loo galiyo qaranka oo waliba sida warqadaas ku qoran la yidhaahdo ku madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka,ku guddoomiyaha guurtida ku beesha caalamka,  tolow beesha caalamka xafiiskoodu waa xagee! waa wax inagu cusub beesha caalamka Farmaajona waa uu ku jiraa oo Somaliya waa la ictiraafsan yahay oo beesha caalamka waa ay ka tirsan tahay, armuu codsigu halkaasba ku dhacaa, beeshaas caalamka ee loo gacan haadinaayo aniga ilama hagaagsana laakiin waa ay la noqotay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here