Baro Sida Ugu Habboon Ee Aad U Dhaliili Karto Xaaskaaga Adiga Oo Aan Jacaylkeeda Waayin

0
778

Muddo dheer ayaa ay xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu ku hawlanaayeen daarasaynta iyo fahamka waxa ay ku kala duwan yihiin lammaanaha farxadda ku wada nool iyo kuwa khilaafka iyo murugadu la nool, iyo sida oo kale sidii ay u heli lahaayeen sababta kala duwanaanshiyahooda. Waxa ay xoogga saareen muhiimad ay sheegeen in ay leedahay ka fogaanshiyaha hadallada dhaliisha ah iyo ereyada taban ee labada ruux midkood kan kale u jeedinayo, taas oo ay u arkayeen in ka mid tahay sababaha xidhiidhka xumanaysa.

Mid ka mid ah daraasadahaas waxaa sameeyey Dr. Robert Levenson iyo Dr. John Gottman, oo sannadkii 1986 kii xarun loo bixiyey ‘Shaybaadhka Jacaylka’ oo ay arrintan ku daraaseeyaan ka sameeyey jaamacadda Washington.

Kamarado qoysaska tijaabada lagu sameeyey lagula socday nolol maalmeedkooda iyo baadhis ay labadan khabiir ku sameeyeen sheekada iyo doodaha lammaanayaashan iyaga oo isla markaana daraaseeyey ishaarooyinka jidheed ee lammaane kastaa sameeyaan marka ay wadahadlayaan, ugu dambayntiina waxa ay xeeldheereyaashani gaadheen natiijo ay ku saadaaliyeen lammaanaha isku raagaya iyo kuwo halista u ah in ay kala tagaan, taas oo boqolkiiba 90 sidii ay sheegeen u dhacday.

Isku dheellitirnaanta togan iyo midda taban

Cilmibaadhayaashu waxa ay ogaadeen in waxa ugu weyn ee ay ku kala duwan yihiin lammaanaha farxadda kuwada jooga iyo kuwa murugadu dhextaalla ay tahay qaabka ay u wada macaamilayaan iyo isku dheellitirnaan la’aan ka jirta xidhiidhkooda togan iyo ka taban. Waxa aanay sheegeen in dhaliil iyo faallo kasta oo taban oo lammaanaha midkood ka bixinayo kan kale ay waajib tahay in ay la socdaan ama ka horreeyaan shan macaamil iyo isla falgal oo togan, si ay u fududeeyaan raadka taban ee ka dhalanaya dhaliisha midkood kan kale u jeediyey.

Kyle Benson oo ah cilmibaadhe ka tirsan shaybaadhka daraasaddan ayaa sheegay dareenka jacayl ee qofka oo la isdiidsiiyo ama dhaliisha badan iyo ishaarooyinka jidheed ee farriinta qaldan qofka u dirayaa ay saamayn taban ku leeyihiin xidhiidhka haddii aan la raacin macaamil togan oo dheellitira. Isaga oo intaas ku daray in macaamil togani uu lammaane kastaba soo dhexgalo, laakiin ay ku kala duwan yihiin muhiimadda uu lammaane kastaa siiyo sixidda qaladka iyo bogsiinta nabarrada ka dhalan kara dhaliisha.

Raadadka taban ee dhaliisha soo noqnoqota

Haweenayda qoraaga ah ee Marianne Reed ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay shabakadda ‘Lifehack’ waxa ay ku sheegtay in dhaliisha sida togan loo soo bandhigaa aanay wax dhibaato ah ku keenin xidhiidhka lammaanahan, laakiin hababka ay dadka qaar wax u dhaliilaan uu keenayo khatar ah in nolosha qofka uu burbruiyo. Marianne waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, “waxaa laga yaabaa in aad adigu doonayso in dhaliisha iyo faallooyinka taban ee aad ka bixinayso xaaskaagu ay wanaajiyaan waxa ka qaldan, laakiin gabadha waxa ay ku keentaa calool xumo iyo in ay u qaatado in wax kasta oo ay fashaba la dhaliilayo. Marianne waxa ay tirisay arrimo ay ku tilmaamtay dabeecadaha foosha xun ee uu habdhaqankani qofka ku reebanaha waxaa ka mid ah;

  1. Wax qarin: In ninku uu xaaskiisa si joogto ah u dhaliilo iyo in uu si gaar ah ugu fiirsado arrimaha taban ee ay ku kacayso ama odhanayso, waxa ay gabadha ku beeraan dareen ah in hawlihiisa oo dhami ay isaga sir u ahaayeen.
  2. Calool xumo iyo ciilqab: Marka ay gabadha ku ururto cadhada iyo murugada dhaliisha joogtada ah ee saygeeda uga imanaysa, waxa ku bata cadhada iyo ciilka ay qabto. Waxa aanay xeeldheereyaashu aaminsan yihiin in ciilqabka iyo calool xumadu ay ka xun yihiin nacaybka iyo colaadda. Maadaama oo labadan xaaladood aanay qofka ka hadhin xitaa marka ay wax kastaa dabiiciga yihiin. In qofku ciil iyo murugo la noolaadaa waa arrin xanuun badan, qofka ay ku dhacdaana waxa uu halis u yahay in xanuunno ay mustaqbalka ku dhacaan.
  3. Waxa ay raadisaa Kadin ay ka fakato; Afada canaanta iyo dhaliisha joogtada ahi ku dhacaan waxa ay mar kasta dareentaa in ay u baahan tahay meel ay magangelyo ka hesho si ay uga nasato dhaliishaas. Waxa ay qaarkood isku mashquuliyaan la sheekaysiga saaxiibbadahoos, ama wax akhriska, waxaana dhici karta in ugu dambaynta samirkeedu dhammaado oo ay iskaga xararto xidhiidhka qoysnimo ee ninka.
  4. Danayn lahaan: Muddo marka ay gabadhu la noolaato dhaliisha iyo canaanta soo noqnoqonaysa ee ninka, waxa ay marka dambe baranaysaa dabeecad ah in aanay dhegeysan warkiisa, iyo in ay iska joojiso muhiimadda ay marka hore la lahayd dhaliishiisu. Waxa ay la soo baxaysaa dabeecad ninka ugu muuqanaysa danayn la’aan iyo in ay dhibsanaysaba ag jooggiisa. Taas ayaa haddii ay dhacdo iyaduna mar kale sii xumanaysa xidhiidhkooda qoysnimo.
  5. Kalsoonida oo lunta: Dhaliisha iyo canaanta joogtada ah ee ninku waxa ay gabadha ka qaaddaa tamartii iyo doonistii ay u haysay nolol dhammaystiran. Waxa ay noqotaa shakhsi habsoobay oo isagu naftiisa quudhsanaya, waxaa ka luma doonista tijaabada waxyaabaha cusub iyo raadinta waayo-aragnimada ay nolosheeda ku sii horumarinayso.
  6. Qof bay ku tiirsanaataa: Gabadha oo ay ka badato canaanta iyo dhaliisha ama quudhsiga ninkeedu waxa ay ugu dambaynta ku kalliftaa in ay gebi ahaanba is dhiibto, indhaha keliya ee ay leedahay, garaadkeeda fikir iyo waxa keliya ee ay ku tiirsantahayna uu yahay waxa uu ninkeedu u sheegayo. Waxa ay noqotaa ruux aan awood u lahayn in ay waajibaadkeeda iskeed u gudato.

Waxaa ka lunta kalsoonida ay nafteeda ku qabto, markaas ayaa ay dib uga fadhiisataa dhammaan go’aamada nolosha iyo waajibaadka muhiimka ah ee ay kaalinta ka geysan lahayd, wax kastana ninka dhinaciisa ay u leexisaa iyada oo filaysa in uu isagu wax kasta si ceeb la’aan ah u dhammayn karo. Waa arrin qoyska jiritaankiisa iyo horumarkiisa dhibaato ku ah waana culays ninka dusha ka fuulaya oo uu ku qasbanaanayo in uu isagu xilka oo dhan dusha u rito, taas oo aanay suurtagal ahayn in uu waajibaadkaas sidooda u guto.

Si jacayl ku dheehan yahay u dhaliil

Lammaanaha waajibaadka culus ee u yaalla iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya ayaa qasab ka dhigaya in ay canaan iyo dhaliili yimaaddaan. Laakiin habka loo marayo dhaliishaas iyo sida loo gudbinayo ayaa muhiim ah. In waqti ku habboon canaan iyo dhaliil lagu beego ayaa muhiimadda koowaad leh. Ninku waa in uu iska jiraa in uu xaaskiisa dhaliilo xilli ay ku jirto waqti adag ama duruuf kakan oo nafsadeed ama jidheed labadaba. Waa muhiim In lammaanuhu ay yeeshaan dood ama muran galaan iyada oo mid kastaa dhegeysanayo, isla markaana xurmaynayo afkaarta kan kale iyo aragtida uu kaga duwan yahay.

Waxaa ninka la gudboon in dhaliisha in aanu noqon ruux dhaliisha uun ku fooggan oo aan sheegin wax badan ee kale ee ay gabadhu ku wanaagsantahay. Waxaa muhiim ah inta aanu dhaliil jeedin in uu xurmayn iyo qaddarin u muujiyo gabadha, waa haddii uu doonayo in gabadhu ay si fiican u aqbasho dhaliishaas. In falka ay samaysay aad dhaliil iyo ceebayn dusha uga tuurto waxaa ka qurux badan in sida aad adigu jeclaan lahayd sheegto, taas oo ah dhaliil dadban oo ay gabadhu ku fahmayso in aanu ninku la dhacsanayn falka ay ku kacday.

Si kasta oo aad lammaane u tihiin waxa aad mar kasta niyadda ku haysaan xaqiiqada ah in qof kastaa uu masuul isagu ka yahay noloshiisa gaarka ah iyo doonistiisa, haddii aad mataankaaga dhaliilayso, ereyada aad ku odhanaysaa ha noqdaan kuwo aad ka baaraandegtay si xikmad lehna aad u dooratay. In aad dhaliil jeediso waxaa ka qumman in aad talo iyo wax u sheeg u jeediso xaaskaaga.