Xisbiyada Mucaaradka Oo Ku Baaqay Inay Dalka Ka Dhacaan Doorashooyin Lagu Wada Qanacsan Yahay, Oo Musuq Iyo Cadaalad-daro Ka Madhan

0
630

Hargeya (Geeska) – Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee isku sidkan ee la filayo inay sannadkan badhtamihiisa dalka ka dhacaan, waxayna tilmaameen inay ku rejo weyn yihiin inay dhacaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay, oo uu ka madhan musuq iyo cadaalad-darro.

Xisbiyada Mucaaradku waxay si gaar ah farriin ugu direen Komishanka Doorashooyinka Somaliland, oo ay ugu baaqeen inay mar walba xaqsoorka ilaaliyaan.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta Gobolada Sool iyo Sanaag, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ugu horeyn ka hadlay Doorashooyinka ayaa yidhi “Sannadkii 2020, weynu ka soo gudubnay, oo waxaa inoo curtay oo aynu hadda ku jirnaa bilawna inoo ah sannadka 2021, inkasta oo inaga sannadkeena islaamku yahay sannadka hijrada, haddana sannadkii hore wuxuu noqon doonaa intii noolba sannad raad kaga tagay adduunyada, oo xanuunka Covid 19, ayaa dad badan oo Caalamka u leedeen, ama u dhinteen, ALLENA waxaynu ka baryeynaa mar kasta wanaag, khayr iyo caafimaad, sidaas oo ay tahay sannadkan inoo curtay Somaliland ahaan waxaynu filaynaa inay dalkeena ka qabsoomaan Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada, Doorashooyinkaasina insha allaah waxaanu rajaynaynaa inay inoo noqdaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay, oo si caddaalad ah u dhaca, Komishankana waxaanu mar kasta cadaalada ku dedaala”.

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri, oo isna ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Doorashooyinka isku sidankan ee kala ah Doorashada Golaha Wakiilada iyo Doorashada Golayaasha Deegaanka, ayaa inoo dhici doona haddii ALLE idmo sannadkan 2021, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa dabcan Xisbiyada Qaranka dhex iyo Garsoor u ah, ee Komishanka waxaanu leenahay waa inaad qabataan Doorashooyin nadiif ah, oo ka fog musuq-maasuq iyo caddaalad-daro, oo waxaanu rabnaa inay inoo dhacaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah”.

Dhinaca kale, waxay baaq u direen Shacabka ku dhaqan Gobolada Sool iyo Sanaag, waxayna ugu baaqeen in Shacabka aan qaadan kaadhka codbixinta inay qaataan, oo ay ka faa’iidaystaan fursadda ay haystaan ee dib loogu diiwaangelinayo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office