Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 2aad) 5. J. K. Rowling – 30 jirkii buugga malo-awaalka ah adduunyada ku qabsatay

0
1219

Joanne Rowling oo dhalatay sannadkii 1965 kii, waa qoraa, filim soo saare, iyo barnaamij soo saare talefishan oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Joana waxa ay macalimad afka Ingiriisiga dhigta kaga shaqaysay dalka Portugal, oo ay isku barteen saygeedii ugu horreeyey oo ay dhaleen gabadh. Laakiin guurkaasi ma’ uu si ijirin oo saddex sano gudahood si fool xun ayaa ay u kala tageen. Muddadaas ay wada joogeen ninkan waxa ay Joana kala kulantay dhibaato badan oo uu gacan ka hadal ka mid ahaa. Illaa heer ay gaadhay in ay ka baqatay in uu khaarajiyo, sidaa awgeed ay safaaradda dalkeeda ka dalbatay in laga ilaaliyo. Waxaa la aaminsan yahay in Joana muddadaa ay Portugal joogtay ay aad u akhriday qisaska sheeko-baraleyda ah iyo sooyaalka dalka Portugal ee dhinaca dhaqanka. Waxaa gaar ahaan la sheegaa in ay aad u akhriday taariikhda iyo sheekooyinka laga qoray sixiroole cabsi badan dadku ka sheegtaan oo taariikho aad u fog caan ka ahaa dhulkaas. Muddadaas ay Joana joogtay dalka Portugal ayaa ay bilowday in ay wax qorto.

Joana waxa ay dib ugu soo noqotay Ingiriiska, laakiin imaanshiyaheedu waxa uu la kulmay dhimashadii hooyadeed, arrintaas oo la aaminsan yahay in uu dhaawac dhinaca nafsadda ah gaadhsiiyey.

Xaaladdeedu waxa ay sannadkii 1993 kii maraysay in ay aaminto in ay tahay qof nolosha gebi ahaanteedba ku guuldarraystay. Qoyskeedii waa uu burburay, intii uu dhisnaana silic iyo dhibaato ayey qabtay, hooyadeed oo ay jeclayd waa ay geeriyootay, nolosha ilmaheeda iyada ayaa ka masuul noqotay, shaqo in ay heshaana waa ay ku adkaatay. Guurka burburay iyo dhimashada hooyadeed, oo ay duruufo dhaqaale oo adagina u raaceen kaddib, in Joana ay mar gaadhay heer ay nafteeda kula sheekaysato in ay tahay qof nolosha gebi ahaanteedba ku fashilantay.

Laakiin Joana, oo mar dambe xaaladdaas ka warrantay waxa ay sheegtay in guuldarradaas ay isu dhiibi gaadhay ay bilow u noqotay badhaadhaheedii. “Guuldarradaasi waxa ay waxa ay igu dhiirrisay in aan ka takhaluso wax kasta oo aan lagama maarmaan ahayn oo noloshayda ka mid ahaa. Waxa aan joojisay in aan naftayda ka sheego ama ka aamino wax aan ahayn waxa runta ah ee ay tahay, waxa aanan tamar iyo maskaxba isugu geeyey in aan ka midho dhaliyo shaqada keliya ee i hortaalay” ayaa ay tidhi Joana, oo sheegtay in guuldarradaasi ay wax badan oo nolosheeda ka mid ah xoraysay.

Sannadkii 1995 kii oo ay 30 sano jir ahayd, ayaa ay Joana go’aansatay in ay qorto buugga ay magaca iyo maalkaba ka kasbatay. Waa Harry Porter oo ah qisada wiil sixiroole, is miidaamin badan ah. Muddadii ay Joana buugga qoraysay waxyaabaha yaabka leh ee lagu arkay waxaa ka mid ahaa in ay aad wax ugu qori jirtay maqaaxiyaha oo ay meel gaar ah fadhiisan jirtay.

Guushii foosha adkayd

Joana marki iay buuggeeda dhammaystirtay ee ay damacday in ay daabacdo, waxa ay la kulantay dhirbaaxo labaad oo aanay filayn. Sida caadiga ah qoraagu marka uu buugga dhammeeyo, waxa uu ku wareejiyaa shirkadaba faafinta buugaagta si ay u daabacaan kaddibna u iibiyaan. Waxa aanay qoraaga iyo shirkaddu arrintaas ku galaan heshiis la xidhiidha lahaanshiyaha iyo dhaqaalaha buugga ka soo baxaya.

Nasiibdarro Joana waa ay ku adkaatay in ay hesho shirkad xiisaynaysa in buuggeeda ay faafiso. Muddo kaddib shirkadda keliya ee ogolaatay waxa ay ku xidhay shardi yaab badan oo ahaa in ay qariso gabadhnimadeeda.

Maamulka shirkaddani waxa ay Joana u sheegeen in aanay filayn in cidi ay akhriyi doonto buug carruureed ay gabadhi qortay. Arrintani waxa ay Joana qasab kaga dhigtay in ay beddesho qaabka ay magaceeda u qoraysay si ay u qariso gabadhnimadeeda. Magaceeda Joana waxa ay ka soo qaadatay xarafka koowaad ee ‘J’ kaddibna waxa ay raacisay magaceeda labaad oo ay ka soo qaadatay xarafka K iyo madagaca goyska oo ‘Rowling’ ah. sidaas ayaanu buuggii ku soo baxay isaga oo sita magaca J. K. Rowling.

Si lama filaan ah ayaa uu buuggani u helay akhristayaal aanu abid buug kale oo adduunka lagu qoray helin, akhristayaashaas oo isugu jira dhammaan da’aha kala duwan ee dadka. Buugga oo ahaa taxane toddoba qaybood ah waxa ay ka samaysay filimo taane ah, oo iyaguna daawasho yaab leh helay.

Buugga toddobaad ee ugu dambeeyey taxanaha Harry Porter oo soo baxay 21-kii Julaay 2007-dii kelidii ayaa isla maalinnimadii uu soo baxay waxaa dalka Maraykanka oo keliya lagu iibsadya 8 Milyan oo buug.

Buuggani waxa uu Joana ka dhigay qoraaga ugu caansan adduunka ee soo saaray buugga ugu caansan, oo inta la ogyahay laga iibsaday in ka badan 500 oo milyan oo buug. Kelidiina ma’aha ee buugaag kale oo ay soo saartay ayaa isla jidkaas maray oo malaayiin nuqul laga iibsaday.

Joana ugu dambayntii waxa ay noqotay qof caan ah, waxaana loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dadka ugu saamaynta bada nee adduunka soo maray. Waxaa se yaab leh in fikirkaas ay sida sibiqda ah u heshay iyada oo taareen saarani uu sabab u noqday in uu jibiyo guuldarradii ay isu dhiibi gaadhay. Joana oo markan maalqabeen ahi mar labaad ayey guursatay nin kale waxa aanay dhashay laba carruur ah oo dambe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here