Barnaamij Internet Ka Ah Oo Dumarka Dalka Masar Ka Caawiya In Ay Ogaadaan Ninka Guurka Hore Qarsanaya

0
683

Qaahira (Geeska)- Waxda arrimaha qoyska ee wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar ayaa samaysay adeeg kombiyuutaraysan oo si aanay dowladdu marka hore ku talogalin dumarka dalkaasi uga faa’idaysteen ogaanshiyaha ragga guur doonka ah ee doonaya in aanay sheegin xaasas hore oo kale. Sidoo kale gabadh kasta oo xaasley ah ayaa degelka Internet ka ee wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar uga ogaan karta in odaygeedu uu hadda xaas kale oo aanay ogeyn leeyahay iyo in kale.

Barnaamijkan kombiyuutarka ah ayaa si fudud loogala soo bixi karaa taariikhda iyo xaaladda muwaadin kasta rag iyo dumar midka uu doono ha ahaado ee. Sidaa awgeed maadaama oo dumarku aanay inta badan ka dhicin in ay xaas hore qariyeen balse ay ragga arrintaasi ku badan tahay, gaar ahaan ragga dalka Masar oo la sheegay in in badan ay yeeshaan xaasas aan is ogeyn waxa ay arrintani caawinaysaa dumarka, waxa aanay si fudud u garanayaan xitaa inta jeer ee uu ninku guur soo maray.

Marka aad barnaamijkan gasho waxa uu kaa dalbanayaa in aad qorto faahfaahinta qofka aad xogtiisa doonayso, sida lambarkiisa qaranka, (National Identity Number) iyo Lambarka talefankiisa kadibna waxaa kuu soo baxay qoraal dheer oo si dhamaystiran uga waramaya xaaladda bulsho ee qofkan oo ay ka mid tahay inta jeer ee uu xaas guursaday, kuwa uu furay iyo tirada carruurta uu leeyahay.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkan qaybtiisa baadhista xogta qofku ay ku xidhan tahay in adiga oo kaadhkaaga bangiga adeegsanaya aad si toos ah u bixiso Labaatan Gini oo ah lacagta dalkaas.

Sidoo kale waxaa shabakaddan laga heli karaa dhukumantiyada guurka, furniinka, shahaadada caddaynta dhalshada iyo ta dhimashada, waxa aanu adeeggani qayb ka yahay barnaamij ay xukuumadda Masar bilowday sannadkii 2001da oo loogu talgalay in xukuumadda iyo muwaadiniintu Internet ka xidhiidhi karaan.