Barbaarinta Ubadka: Waa Ay Kala Duwan Yihiin In Ilmuhu Dhibco Sare Keeno Imtixaanka Iyo Inuu Noqdo Ruux Garaad Badan (Cabqari) Oo Hal-Abuur Leh (Q:3aad)

0
597

Hargeysa (Geeska)- Ilmahaaga garab istaag: Warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ayaa sheegaysaa in cilmibaadhis uu sameeyey Benjamin Bloom oo ah caalim caan ku ah cilminafsiga ay daahfurtay in hab-abuurrada suugaanta, fanka iyo muusikada, ciyaaraha iyo culimada sayniska hibada ku lahaa ay u badan yihiin dad in ay ka soo jeedaan qoysas aan xitaa ku riyoon jirin in ubadkooda ay u diyaariyaan hab-abuurnimo ama niyadda ku hayey in ay ku barbaariyaan jid u horseeda in ay noqdaan dad maskaxdoodu curiska hibo u leedahay. Laakiin sida la ogaaday qoysaskaasi waxa ay ahaayeen kuwo carruurtooda ku garab istaagi jiray hadba jidka ay carruurtu doortaan, haddii aanay markaas jirin sabab kallifaysa in la farogeliyo.

Warbixintu waxa ay dhinac kalana ka caddaysay in aragtida ay dadka qaar aaminsan yihiin ee ah in tirada saacadaha uu ardaygu ku qaato waxbarashadiisa iyo dib u eegisteedu ay tahay sababta hadhow jaangoynaysa natiijada imtixaankiisa iyo kaalinta uu liiska dhibcaha imtixaanka ka gelayo, laakiin runtu aanay sidaas ahayn. Balse sida uu xeeldheere Grant aamisan yahay haddii ay arrintaasi ilmaha ku badato ay kuba keenayso in maskaxdiisu soo ururto, awoodda ay fikirka u leedahayna soo ururto.

Ugu dambayntii warbixintan oo doonaysa in ay ina fahamsiiso sida aanay isugu xidhnayn ilmaha oo dhibco sare ku gudba imtixaannada iyo in mustaqbalka uu noqdo ruux garaad badan ama hal-abuur lagu majeerto, ayaa tusaale u soo qaadatay Saynisyahankii caanka ahaa ee Albert Einstein oo la sheego in aragtidiisa caanka ah ee Relativity afka-qalaad lagu yidhaahdaa ay si kedis ah ugu soo dhacday isaga dhegeysanayey muusigga, sidoo kale Einstein waxaa laga qoray hadal xikmad badan laga dheehday oo macnihiisu noqonayo, “Jacaylku waa macallin ka fiican dareenka waajib gudasho” oo uu uga jeedo in qofka oo hawsha u qabta jacayl ay ka fiican tahay marka uu u qabanayo keliya isaga oo u arka waajib saaran oo gudashadiisu qasab ku tahay. Dhammaad

Barbaarinta Ubadka: Waa Ay Kala Duwan Yihiin In

Ilmuhu Dhibco Sare Keeno Imtixaanka Iyo Inuu Noqdo

Ruux Garaad Badan (Cabqari) Oo Hal-Abuur Leh (Q:3aad)