Barbaarinta Ubadka: Ixtiraam Caqli Ilmahaaga Si Uu U Barto In Uu Si Madax Bannaan U Fikiri Karo Caqliga Dadkana Xaq-Dhowro (1)

0
623

Hargeysa (Geeska)- Guriga guulaystaa waa kan qoyskiisu ay ku dhaqmaan nidaam iyo xeerar aan la dhaafin oo dejintooda iyo horumarintooda ay ka qayb qaataan dhammaan xubnaha qoysku.

Marka lagu baaqayo in waalidku uu ixtiraamo caqliga ubadka, kuna barbaariyo in ilmuhu uu barto in qofka lagu qainciyo dood, macnaheedu ma’aha in carruurta  faraha looga qaadayo noloshooda oo aanay jirayn xeerar iyo tilmaamo ay tahay in uu raaco, iyo in aanay jirin edbin iyo ciqaab uu ku mutaysan karo gaabiska uu ku kaco, waayo in arrimahani ay meesha ka baxaan ilmaha laftiisa ayaabay xuquuqdiisii meel ka dhac ku tahay.

Nasiibdarro waalidiinta qaar waxa ay u fahmeen in barbaarinta fiicani ay tahay in ilmaha lagu beero ‘Dhego nuglaan iyo adeecid keliya’ ma’aha in waalidku u fahmo in edbinta ilmaha ee saxda ahi ay tahay uun marka la arko isaga oo maqlaya, adeecaya, dhaqsana u fulinaya hadba waxa uu waalidku faro, halka ilmaha doodda iyo su’aalaha keena ee qancinta uga baahda waalidkana aynu u naqaanno canaad iyo in uu madax adag yahay.

Waa run in ay labada waalid u fududahay in ilmahoodu uu noqdo mid adeecis badan, hadal yar, si fududna loo hoggaamin karo, ama waxa uu waalidku doonayo loogu hagi karo, laakiin su’aashu waxa ay tahay, ‘sidaasi ma’ tahay sida ku habboon mustaqbalka fog ee ilmaha? Jawaabta khubarada ku xeeldheer barbaarinta ubadku waa, ‘MAYA’

La soco, Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Risaalatul-Mar’ah, taas oo aynu ku eegayno qodobbo muhiim ah oo ay xeeldheerayaashu isku waafaqeen in ay lagama maarmaan tahay in lagu barbaarugsanaado marka ubadka, gaar ahaanna in waalidka laga rabo in uu ilmaha caqligiisa ixtiraamo.

1. Barbaarinta wanaagsan: Barbaarinta wanaagsan waa faham isu dhamaystiran oo lagu abuurao qof dhowrsoon, oo wacyi-qaba. Qof ixtiraamaya naftiisa iyo caqligiisa, sidoo kalana ixtiraamaya cidda ku xeeran, kana dheeraanaya adeecista indho la’aanta ah, oo isaga iyo bulshadaba ku keenaysa in la waayo dad hal-abuur leh oo dhinacooda ka qabsada hawlaha umadda si horumarka ay qayb uga noqdaan.