Barak Obama Walaashii Oo Cashar Ka Bixinaysa Jaamacadd Ku Taalla Dalka Marooko

0
666

1Ribaat (Geeska)- Jaamacadda Muxammed ka Shanaad oo loogu magac daray mid ka mid ah boqorradii dalka Morooko xarunteeduna tahay magaalada Ribaat ee caasimadda dalkaas iyo jimciyadda cilmibaadhista iyo daraasaadka horumarinta ayaa martigelisay Dr. Maya Soetoro oo ah gabadh isir ahaan ka soo jeedda Indooneesiya oo ay walaalo kala aabbo ah yihiin madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama, taas oo Isniintii toddobaadkan Tobankii subaxnimo khudbad cilmiyeed aad loo jeclaystay ka jeedisay Kuliyadda AL-Muxammadiya ee Injineeriyadda.

War-murtiyed ka soo baxay jaamacadda Muxammed ka Shanaad ayaalagu sheegay in Dr. Maya Soetoro ay khudbad-cilmiyeedkan kaga hadashay “Dhalinyarada, Barbaarinta iyo horumarka joogtaysan” ay khudbad-cilmiyeedkeedani qayb ka tahay Kulanka Caalamiga ah ee dhalinyarada, oo uu sannad kasta hal mar lagu qabto martigelinta boqor Muxammed ka Lixaad ee dalka Marooko. Kaas oo soconaya inta u dhexeysa 11kii Bishan Julaay illaa 14ka Julaay 2016ka.

Khudbad-cilmiyeedkan waxaa dhegeysigeeda ka qaybgeli doona dad caalamiya oo caan ku ah dhinaca waxbarashada, siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha, waxa aana lagaga doodi doonaa xoojinta wada xaajoodka iyo wada hadashiinta dhaqannada kala duwan.

Dr. Maya Soetoro, ayaa shahaadada sare ee Doctorate oo jaamacadda Hawaii ee dalka Maryakanka ay ka qaadatay, waxa ay ku haysataa waxbarista dadka kala dhaqanka ah, waxa aanay waayo-aragnimo la aqoonsan yahay u leedahay dhinacyo ay ka mid yihiin, cilmiga bulshada, waxbarashada dadka kala jinsiga ah ee heer caalami, ku-barbaarinta nabadda, hoggaaminta wadaagga ah, iyo dhaqangelinta iyo ku dhaqanka aragtida ah colaad la’aanta. Waxa aanay hadda madax ka tahay Waaxda waxbarashada bulshada iyo tacliinta sare ee maxadka Matsunaga ee nabadda iyo xallinta khilaafaadka oo ku yaalla dalka Maraykanka. Sidoo kale waxa ay bare ka tahay jaamacadda Hawaii.

Maya oo aaminsan diinta Buudhisku waxa ay sannadkii 2013ka ku guulaysatay abaal marinta Nabadda ee Aloha oo la siiyo dadka dunida ee ka shaqeeya arrimaha nabadda.

Madaxweyne Barak Obama oo la walaal ah dad kala jinsiyado, qawmiyado iyo diin ah oo tiro badan ayaa mar uu sannadkii 2006da waraysi bixiyey, isaga oo ka warramaya kala duwanaanshiyahaas walaalihii waxa uu yidhi, “Waxa aad mooddaa Qaramada Midoobey oo yar” isaga oo intaas ku sii daray, “Waxa aan la walaalo ahay qaar u eeg Bernie Mac (Waa majaajilayste Maraykan madow ah) iyo kuwo u eeg Margaret Thatcher (Gabadhii raysalwasaaraha ka ahaan jirtay Ingiriiska).

Marka laga yimaaddo Maya oo iyadu isir ahaan Indonesia u dhalatay, waxa ay Obama dhinaca aabo ka walaalo yihiin toddobada carruur ah oo lix ka mid ah ay dhaleen hooyooyin reer Kenay ah, iyo Mark Okoth Obama oo ah Chines ay dhinaca aabo ka walaal yihiin, balse hooyo kale oo caddaan Maraykana ahi dhashay, Mark oo aaminsan diinta Yuhuuddu waa ganacsade ku dhaqan dalka China. Sidoo kale waxaa jira walaalo iyo qaarabo dhow oo uu Obama ku leeyahay dalal kala duwan.