Wasiirka Boosaha Oo Sheegay In Xadhigii Jabuuti Uu Dhaafay Biyaha Somaliland

0
620

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr.Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa sheegay in markabkii dalka Jabuuti ka socday ee siday Cable-ka uu dhaafay guud ahaan Somaliland isla markaasna aanu melna kaga soo weecan.

Wasiirka boosaha iyo is gaadhinta oo shalay hortagay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa sheegay in arintan kadib markii warbaahintu ay wax ka su’aashay markii kulankaasi uu dhamaaday, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Wax is khilaafay ma jiraan  xukuumad ahaana siyaasad mid ah ayaanu leenahay  xadhiga Jabuutina waxa uu maray bada caalamiga ah Somaliland kumuu soo baydhin,labada dawladoona xidhiidh fiican ayaa ka dhaxeeya  waan ka wada xidhiidhnay, markaas wax is khilaafsan  wax kala duwan ma jiraan xadhiguna waa uu ina dhaafay oo hada waxa uu sii socdaa Geeska Afrika, wax nagu soo baydhay ma jiraan iyo xadhig noo yimid toona.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here