Badhasaabkii Gobalka Awdal Ee Xilka Laga Qaaday Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Go’aanka Madaxweynaha

0
1906

 

kkkkkaBoorame (Geeska) -Badhasaabkii hore ee gobolka Awdal ee xilka laga qaaday Maxamed Daahir Cabdalle, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday, waxaanu sheegay in aanay jirin wax dhaliil ah intii uu xilka hayey oo loo aanayn karo xil ka qaadistiisa, waxaanu intaas ku daray inuu xukumada iyo maamulka cusub la shaqayn doono, isla markaana ay tahay xilka uu waayey sunaha dawladnimo sida uu sheegay.

Md Maxamed Daahir Cabdale oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isagoo ka hadlaya sida uu u arko xilka uu waayey ayaa yidhi  “Walaal horta waxa weeyaan sunaha dawladnimo in xilka laguu dhiibo lagaana qaado, waana astaana dawladi leedahay, waxaanan u arkaa in xilku meerto yahay. Markaa anigu waan garab taaganahay waanan la shaqaynayaa badhasaabkaa gobolka lagu soo qoray. Isma lihi waxaas ayaa lagaaga qaaday xilka ama wax aan kuu sheegi karo oo xilka la igaga qaaday inay jiraan. Ilaa markii aan imi ilaa maanta si muwaadinimo oo ay wadaniyadi ku jirto ayaan ku shaqaynaayey. Umana arko si kastoo fiican haddii uu qofku u shaqeeyo inuu meesha joogayo waligiiba, qofku isaga oo fiican ayaa xilka laga badali karaa.”

Badhasaabka hore oo la weydiiyay in xil ka qaadistiisu ku xidhiidhsantahay socdaalka uu Borama ku joogo Madaxweynihii hore, wuxuu yidhi, “Anigu markaas waxaan joogay oo aan ku maqnaa shaqo oo maan joogin oo meel shaqaaqo ka dhacday ayaan xalkeeda ku maqnaa, waxase loo soo dhaweeyey si fiican oo qurux badan.”

Masuulka cusub ee uu Madaxweynuhu u magacaabay gobalka Awdal ayaa ahaan jiray madaxdii sare ee xisbiga UDUB ee gobalka Awdal, waana Caaqilka Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.