Badeecaddu Waxay Dumarka Ka Dhigtaa Ma Dhalays… Waanay Ka Khatar Badan Tahay Sigaarka

0
696

Picture10Berlin (Geeska)- Daraasad cilmi ah oo si qoto dheer baadhitaan ugu samaysay halista caafimaad ee nuugista badeecadda isla markaana barbar dhigto khatarta sigaarka ayaa daah furtay in ay caafimaad ahaan ka khatar badan tahay sigaarka. Mac-hadka Federalka Germany u qaabilsan qiimaynta halisaha caafimaad ayaa si gaar ah u xusay in khatarta caafimaad ee Badeecaddu si gaar ah ugu badan tahay dumarka. Mac-hadkan oo ah hay'ad dastuuriya oo ka tirsan dowladda Jarmalka isla markaana si toos ah uga hoos shaqeeya wasaaradda beeraha iyo daryeelka isticmaalka caafimaad qaba ee dadka ayaa sheegay in dumarka uurka leh iyo dadka qaba cudurrada ku dhaca wadnuhu ay ugu khatar badan yihiin.

Mac-hadkani waxa uu si buuxda u taageeray natiijada daraasad kale oo dhowaan la sameeyey, taas oo sheegtay in dadka nuuga badeecaddu ay inta badan qaataan hawo badan oo ah Carbon monoxide. In kasta oo dadka sigaarka cabba qudhoodu ay qaataan hawadan oo ah hawo sun ah, haddana sida ku cad daraasaddan dadka nuuga badeecaddu waa ay ka qaadasho badan yihiin hawadan sunta ah.

Cilmi ahaa Hawada sunta ah ee Carbon Monoxide marka ay ku darsanto, maadadda Hemoglobin oo ku jirta unugyada dhiigga cas waxa dhacda in uu xannibmo hab-u-socodka hawada oxygen ay ku dhex wareegayso jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay hawadani gaadhaa dahaadhka sare ee ku xidhan ilmaha uurka ku jira, taas oo keenta khatarta ah in uu ilmuhu waayo hawada Oxygen ee uu baahan yahay waxaana halis gasha noloshiisa. Taas oo macnaheedu yahay in hooyada badeecadda cabtaa ay aad u dhiciso marka la barbar dhigo hooyooyinka aan cabbin badeecadda. Waxa kale oo ay hawada carbon Monoxide marka ay jidhka gasho keentaa dawakhaad iyo madax xanuun.

Daraasado kale oo lagu sameeyey dadka cabba badeecadda ayaa lagu oogaaday in ay disho dhedignimada, waxa aanay dishaa ogxaanta bacariminta ee sababa in gabadhu uur qaaddo, taas oo haddii ay gabadhu aad u sii qaadato suntan ay imanayso in ay ma dhalays noqoto. In kasta oo uu sigaarka qudhiisu dhibtan u leeyahay gabadha, haddaba sababta ay khubaradu si gaar ah ugu sheegeen badeecadda ayaa ah in qiiqa qofka badeecadda cabbaa uu qaadanayo ee suntani ku jirtaa uu ka badan tahay tan uu qaadanayo marka uu xabbad sigaar ah cabbayo.