UCID Oo Beeniyay In Faysal La Kulmay Raysalwasaaraha Somaliya

0
438

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay war lagu baahiyey qaar ka mid ah Warbaahinta dalka oo sheegay in Guddoomiyaha XIsbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe uu Magaalada Nairobi uu kulan kula  yeeshay Raysal wasaaraha Somaliya.

Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Xafiiska Xoghayaha Arimaha Gudaha, gaar ahaana uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Sallaf, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika , ayaa u dhignaa sidan    “Waxaa Maanta (Shalay) ku soo Baxay Warsidaha Waaheen, War lagu Sheegay In Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryaalka UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, uu Xalay (Habeen hore) Kulan Casho ah Kula Qaatay Nayrobi Raysal wasaaraha Somaliya, Warkan oo Gabi ahaanba Been abuura Laguna Doonayo in Lagu Majara Habaabiyo Guud ahaan Shacbi weynaha reer Somaliland iyo Gaar ahaan Taageerayaasha Xisbiga UCID.

Waxaa Nasiib Daro ah in Warbaahinta Qaar Majaraha Saxaafada ka Baydheen isla Markana Caadaysteen inay Wararbeena Ka qoraan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka isla Markaana Dacaayado Raqiisa Ka Baahiyaan Madaxda Xisbga ee uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, Haddaba Haddii aad Been Sheegayso Been Run eg ayaa ka Qoraa, Eng Faysal Cali Waraabe iyadoo la ogyahay Sida uu Xagjir ugu yahay Qadiyada Madaxbanaanida Jamhuriyada Somaliland,isla markaana Dawladda Somaliya Naanayso ugu bixisay siduu ugu Adagyahay Madaxbanaanida J.S.L, Maantana wax la rumaysan karo maaha Dacayadan Wargayska Waaheen Saaka (Shalay) Baahiyey.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelk UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu hada ku gudo jira socdaal Shaqo Qaran oo ku joogaan Magaalada Nairobi halkaasoo ay kulamo la qaadanayaan Qaadhaan bixiyayaasha inaga Taageera Doorashooyinka, Socdaalkan oo ay ku Weheliyaan Labada Guddoomiye Xisbi Qaran ee C/raxman Maxamed Cabdilaahi iyo Muuse Biixi Abdi,

 Waxaan Halkan ku Beeninayaa mar labaad Warka Been Abuurka ee Saaka uu  Qoray Wargayska Waaheen waanan Cambaaraynayaa”.