Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Waramay Kulankii Ay Wadayeesheen Madaxweye Muuse Biixi

42
3198

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii ay wada qaateen madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Cabdiramxaan Cirro waxa uu sheegay inay madaxweynaa kala hadleen in dib diiwaangalinta loo furo,magdhow in la siiyo dadkii waxyeelo ka soo gaadhay rabshadii doorashada iyo in dib loo qabyo tiro xeerarka doorashada ee golayaasha wakiilada,guurtida iyo golaha deegaanka.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta kula hadlaayay xarunta guud ee xisbigiisa waxa uu yidhi”In la hagaajiyo nidaamka doorashooyinka ee mustaqbalka, oo waad ogaydeen oo waxaanu galnay doorasho, waxaynu ku galnay diiwaangalin diiwaangalintii waxay ahayd mid wanaagsan oo casri ah oo dadka lagu kala reebayay indhahooda lana sifeeyay liis ayaa laga sameeyay laakiin nidaamkii lagu kala reebayay dadka maalintii doorashada muu oolin, taasi waxay suurto galisay sidaanu ku kalsoonahay musuqmaasuq badan inuu dhaco, taas daraadeed waxaanu soo jeedinay in si aanu muran danbe iyo xasilooni daro dalka ugu dhicin nidaamkeena doorashada la hagaajiyo oo nidaamkii casriga ahaa ee isha ee aynu ku galnay la keeno maalinta doorashada, si aanay arintaas mar danbe dalkana khalkhal u galin amaankiisana wax ugu dhimin.”

Waxa uu guddoomiye Cirro sheegay inuu xukuumada u gudbiyay inay magdhaw ka bixiso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadii doorashada”Waxaanu u soo jeedinay xukuumada cusub dadbaa ku dhintay kuna dhaawacmay magaalooyinka Ceerigaabo,Burco iyo Hargeysa qaarna ay maanta wali yaalaan cisbitaalada Hargeysa oo kii ugu danbeeyay doraad aan soo booqday nin dhalinyaro ah oo rasaasi ku dhacday oo jaban oo cisbitaalka guud ee Hargeysa yaala, cisbitaalada kalena waa yaalaan, waxaanu xukuumada cusub u soo jeedinay dadkaas aan waxba galabsan ee aan hubaysnayn ee qaarna dhinteen qaarna dhaawacmeen in xukuumadu magdhawgoodii bixiso. waxaanu u soo jeedinay in muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah oo is diiwaangaliyay aanay u suurto galin inay codeeyaan waxa diiwaangalinta galay 870 kun, waxaana codeeyay 580 kun, saddex boqol oo muwaadin oo is diiwaangaliyay ayaan xataa codayn in badan oo muwaadiniin ah oo xaq u lahaydna may is diiwaangalin gaar ahaan gobalada Sool iyo Sanaag,waxaanu soo jeedinay in diiwaangalintii dib loo furo oo muwaadiniinta xaqa u leh inay is diiwaangaliyaana ay is diiwaangaliyeen.”

Waxa uu guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wataa uu yidhi”Waxaanu kala hadalnay dhibaatada badan ee shacbigu uu maanta ku jiro oo sicirbararku uu ka mid yahay oo aanu u tirinayno xukuumadii Kulmiye, Kulmiyuunbaa hadana dalka haystee in laga dhaxlay Sicirbarar xun oo nolasha dadka cidhiidhi galiyay. xukuumada cusub waxaanu u sheegnay in doorka xisbiga Waddani yahay sida dastuurku uu faraayo door xisbi mucaarad ah oo adag insha allaahu, waxaanu u soo jeedinay inay xukuumadu u dul qaadato mucaaradada iyo saxaafada labadaba.”

Ugu danynatii guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday”waan ku daray oo in doorashooyinku ay wakhtigoodii dhacaan, laba waxii ka qabyo ah hadday tahay xeer,saamiqaybsi dhamaan golayaasha guurti, wakiilada iyo deegaanka in wakhtigoodii la qabto iyo in la qabyo tiro, waxay sheegtay xukuumadu inay arintaas bilowday komishanka u yeedhay shirgudoonada la hadlayso markaas kadibna laga wada tashan doono.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here