Baarlaman Dalbaday In Imtixaan Wax Akhriska Ah Laga Qaado Raysalwasaarooda Oo Ay U Arkeen Saaqid

0
855

Tokyo (Geeska)- Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka dalka Japan ayaa mar sii horreysay golaha ay ka tirsan yihiin ee Baarlamanka dalkaas waxa ay soo hor-dhigeen mooshin aad uga qosliyey mucaarad iyo muxaafadba, balse xidlhibaannadan ayaa markii dambe ku guulaysteen in ay meel mariyaan. Mooshinkan ay xubnaha mucaaradku soo hor dhigeen golaha ayaa ahaa dalab ah in raysalwasaaraha dalka laga qaado imtixaan dhinac akhriska ah si loo hubiyo bal in uu akhriyi karo qoraalka luuqadda dalka Japan. Raysalwasaare Taro Aso ayaa sidan oo kale dhalleecayn adag ugala kulmay warbaahinta dalkiisa oo muddaba sheegaysay in raysalwasaaruhu aanu akhriyi-aqoonin luuqadda dalkaas oo xuruufteeda hingaadu yihiin nooc calaamado ah oo loo yaqaannoo Kanji.

Hajmy Eshy oo ah xildhibaan aad looga dambeeyo oo ka soo jeeda xisbiga dimuqraadiga ee dalka Japan oo ah xisbi awood badan oo mucaarad ah ayaa mar uu raysalwasaaruhu khudbad ka jeedinayey golaha hortiisa inta uu soo qaatay boodh weyn oo cad oo ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo luuqadda Japan ah, waxa uu ku dhawaaqay in aanu raysalwasaaruhu akhriyi karin qoraalka luuqadda dalka. Arrinta xiisaha lihina waxa ay ahayd in xildhibaankani uu raysalwasaaraha ku cariyey haddii uu wax-akhriyi karo bal in uu xildhibaannada hortooda si sax ah ugu akhriyo ereyada ku qoran boodhka uu sito. Raysalwasaaraha ayaan isagu ka jawaabin soo jeedinta xildhibaankaas. Waxaa isaguna muran badan dhaliyey maqaal dheer oo ku qornaa magaca raysalwasaaraha oo ay baahisay majallad ka soo baxda dalkaas, dad badan ayaa ku dooday in aanu qoraalkaas raysalwasaaruhu qorin, awoodinna in uu qoraal noocaas ah sameeyo,  laakiin mar dambe oo ay warbaahintu weydiisay bal in uu isagu gacantiisa ku qoray maqaalkaas magaciisa watay, waxa uu kaga jawaabay isaga oo dhoolla caddaynaya, "Waan ka xumahay in aan rajo dilo kuwaa igu eedaynaya in aanan waxba akhriyi karin, laakiin waxa aan u sheegayaa in maqaalkaas aan anigu qoray"