“Aljazeera, Cidna Kama Wada Hadli Karno”Wasiirka Khaarajiga Qatar

0
778

Dowlada Qatar ayaa bilowday dedaalo ay ku dooneyso in xal loogu helo xayiraada ay kusoo rogeen qaar kamid ah dalalka Khaliijka.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani oo booqasho ku tagay dalka France ayaa kulamo laleh qaar kamid ah madaxda Midowga Yurub

Mohamed Cabdulraxman Al Thani ayaa sheegay in Qatar ay diyaar u tahay inay xal u hesho khilaafka balse aanay diyaar u ahayn inay wax gorgortan ah ka gasho Siyaasadooda arrimaha dibada iyo arrimaha u gaarka ah iyaga.“Siyaasadayada arrimaha dibada waa mid aan u madax banaanahay, isla markaana aan ku saleyno waxaan u aragno wanaaga iyo wadada saxan, arrimaha gudaha ee Qatarna waa kuwo aan u madax banaanahay anagu, sida Telefishinka Aljazeera marnaba arrintaasi gorgortan kama galeyno…” ayuu yidhi Wasiirka oo intaasi raaciyey in Qatar ay ka codsaneyso dalalka Sacuudiga iyo xulafadiisa inay cadeeyaan farogelinta ay sheegayaan in Qatar ku heyso dalalkooda. “…Eedeynta ay sheegayaan inaan farogelinay arrimahooda u gaarka ah, hadii ay jiraan hasoo bandhigaan, anagana waxaanu soo bandhigaynaa jawaabtayada.” ayuu yidhi Wasiirka oo saxaafada kula hadlayey magaalada Paris.