“Waxaan Ahay Nin Dhisaya Garsoorka Ee Layguma Tilmaami Karo Nin Garsoorka Hawshiisa….”

0
2428

 

coonHargaysa( Geeska)- Wasiirka wasaarada cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, ayaa jawaabka baxiyay eedayn uu u soo jeediyay xildhiban ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland, waxaanu wasiirku sheegay in garsoorka dalka aanay madaxbanaanidiisa farogalin ku samayn, isla markaasna ay wadaan sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka dad weynaha ee ka dhanka ah garsoorka.

 

Wasiirku waxa uu faahfaahin ka baxiyay noocyada dacwadaha ee inta badan ay cabashadu ka taagantahay, waxaanu dhaliilo u soo jeediyay xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada. Wasiirka Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa waxaanu u dhignaa war-saxaafadeedkaas oo aan soo koonay sidan:-

Hal-beegga ay tahay in la qaataa waxa weeye:

Noocyada dacwaduhu kuwee ayey u badan yihiin. Ma kuwa dawladdu dhinac ka tahay sida dacwadaha ciqaabta, dacwadaha dastuuriga ah, dacwadaha maamulka IWM.Mise dacwadaha madaniga, qoyska, dhaxalka, xaqa/qoomaha, magaha, qasaamada IWM.

Cabashooyinku se dacwadahee ayey u badan yihiin.

 Waxa la wada ogyahay in dacwadaha dastuuriga ah iyo kuwa maamulku sidoodaba wakhtiyo kooban ay maxkamadaha soo galaan inta badana cabashadoodu dadweynaha aanay gaadhsiisnayn. Dacwadaha ciqaabtana waxa dhici karta in Xeer-Ilaalintu dhinac ha ka ahaatee, haddana intooda badani yihiin kuwo aanay xukuumadda dani ugu jirin. Markaa horta sideedaba sidaasay u yar tahay dacwadaha ay xukuumadda dani ugu jirtaa, cabashooyinka ka iman karaana ma noqdaan inta badan kuwo xukuumadda loo xambaariyo ee waxay noqdaan: rumaankii baa igu muddo-dhaafay oo maxkamad layma hor-geynin, racfaankaygii lama dhaqaajin, mag reer lagu leeyahay baan u xidhanahay, dhaar qasaamo ah baan u xidhanahay. Waxaasoo dhammi waa wax u yaalla garsoorka ee ma aha wax xukuumadda u yaalla. Waxaan qabaa in cabashooyinkaa ciqaabta ka imanayaa ay yaraadeen iyadoo ku timi Wasaaradda oo warbixin bille ah ka hesha xabsiyada, dabdeedna maxkamadaha ku baraarujisa oo xusuusisa dadka xabsiyada ugu kala xidhxidhan maxkamadaha ee aan ka helin xaqii ay ku lahaayeen garsoorka – sida xaqa dacwad-qaadista, xaqa racfaanka iyo xaqa fulinta sababta ay u xidhan yihiin (qasaamada iyo mag u kala qaadista dhinacyadaoo kale).

 Dhinaca kale, dacwadaha madaniga, qoyska, dhaxalka, xaqa/qoomaha, magaha iyo qasaamada oo ah dacwadaha aanay xukuumadda dani ugu jirin ee dadweynaha ka dhexeeya oo cid waliba ogtahay in ay yihiin kuwa dadka daba socdaa sannado maxkamadaha meehannaabaan, ee ah kuwa iyagoo fulin gaadhey haddana lagaga soo cawdo in dib loo furay, ee ah kuwa mararka qaar layskuba dilo ma faro-gelin xukuumadeed baa loo nisbayn karaa? Markay sidaa tahay qaylada dami weydey halkeebay ka jirtaa. Faro-gelin xukuumadeed sidaasaan loogu aanayn karine soo in la eego oo la darso oo wax layska weydiiyo maaha?

Is-weyddintu markaa waxay noqonaysaa haddii cadaalad-darro laga tirsado garsoorka, ma garsoorku wuu madax-bannaan yahay baa lagayaa joogayaa?

Waxaan leeyahay waa maya. Waax ka mid ah Waaxa dawladda oo in ay waajibaadkeeda ka baydho oo mas’uuliyaddii ay ummadda u haysey baylihiso u madaxbannaani ma jirto. Waaxaha dawladdu waxay isku leeyihiin is-ilaalin – midba tu kale ay ku leedahay ilaalin iyo dheellitir (Check and balance). Haddii is-ilaalintaas la waayo oo la yidhaahdo Waaxna hawsheeda Waax kale kalama xisaabtami karto waa la burburayaa caalamka meel ay taasi ka jirtaana ma jirto.

 Yaa, markaa ilaalinta ku leh Waaxda Garsoorka oo la xisaabtami kara?

Waxaan leeyahay, iyadoo ay jirto Guddida Cadaaladdu oo ah hay’adda leh in ay garsooreyaasha la xisaabtanto, marka ay qayladu dhaafto yaa la xisaabtamaya iyada? Waxaan leeyahay Madaxweynaha oo leh qaadista tallaabada xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha iyo garsooreyaasha ka tirsan Maxkamadda Sare ee xubnaha ka ah Guddida iyo mas’uuliyiinta kale ee kaga midka ah Guddida Xilka ay hayaanba oo inta ay u badan tahay Guddidu.

Markaan taas la isku diidanayn, ma waxa  awoodda Madaxweynuhu noqonaysaa in uu Guddoomiyaha uun u yeedho oo uu isaga uun warkiisa ku qanco? Waxaan leeyahay, iyadoo taasi u bannaan tahay oo sameeyo Madaxweynuhu, kama reebbana in uu cid kale u egmado in ay warbixin uga keento xil-gudashada Guddida iyo waxa dhibaatooyin haystaba. Guddidan ninka leh Madaxweynuhu hawshiisa sidaa uma qabsan karaw adigaa daliil keeni? Waa arrin u bannaan Madaxweynaha oo ka mid noqonaysa qaababka uu mas’uuliyaddiisa u qabsanayo.

Waxa iyana xusid mudan in arrintani tahay mid aanaan garsoorka isku diidin oo ay soo dhaweeyeen oo lagaaga wada hadlayo maxaa ka jira cabashooyinka dadweynaha, maxaa xil-gudashadiina carqalad ku ah oo loo baahan yahay in wax laydinkala qabto maxaa se dhallilaha jira xal u noqon kara? Ninka intaas wax lagu saxayo cudur ka dhigey cudur ka bixi mayo.

Eedda ah in aniga shakhsi ahaan doonayo in garsoorku I hoos-yimaaddaana waa mid aan waxba ka jirin. Anigaa garsoorka ku wareejiyey mashruuca maxkamadaha wareega oo hortay Wasaaraddu maamuli jirtey. Anigaa ayaa uga hawlgalay in mushaharka garsooreyaasha Maxkamadd Sare lagala mid dhigo kuwa goleyaasha kale, aniga u hawlgalay in garsooreyaasha maxkamadda hoose qof walba loo kordhiyo sannadka 600,000/ sh.Sl. Anigaa u diyaar ah inaan ku wareejiyo miisaanyaddeeda iyo maammulidda shaqaalaha garsoorka ka dib markaanu la dhiso awooddii ay ku maamulan lahaayeen. Markaa waxaan ahay nin dhisaya garsoorka ee layguma tilmaami karo nin Garsoorka hawshiisa ku haysta.

Taas haddan intaas ku dhaafo, waxaan uga gudbayaa Madaxbannaanida Garsoorka uu dastuurku u siiyey hawlihiisa uu Dastuurku tilmaamay, waxa faragelin aan qarsoonayni ay kaga timaaddaa xubno ka mid ah Golaha Wakiillada uu ka mid yahay Cabdiraxmaan-Dheere oo uu ogyahay welina aanu ka hadlin. Xubnahaasi waa xubnaha iyadoo xeerka Qareennadu aanu u oggolayn, haddana  dacwadaha maxkamadaha ka socda dhinac ka noqda ee qareennimo ku gala. (Eeg qodobka 2aad{2} ee Xeerka Qareennada, Xeer Lr. 30/2004). Waxaynu ognahay in xubnahaasi mararka qaar ay garsooraha u xidhaan qolka iyagoo huwan shaadh Gole Wakiil iyadoo ay hor tuban yihiin qareennadii dacwadda ddhinaca kale ka ahaa. Waxa kale oo aaynu ognahay in ay mar intaan hubo ay maxkamaddii oo fadhida ay ka dareereen iyadoo ay dembi tahay in cidi ka bixi karto maxkamad furan taasoo ay quudhsi sameeyeen. Weliba raggaas aan ka hadlayo waxa ka mid xubno ay Cabdiramaan-dheere ay ku wadajiraan Guddida u xilsaaran arrimaha Garsoorka. Markaa ma wuxuu doonayaa in ay boodh-isku-qarintaa ku wataan faro-gelintaas ciddi ay xilkeeda ahaydna ay ka gudan weydo mas’uuliyaddeeda.Cabdiraxmaan waxa uu si toos ah uga mas’uul yahay tayo-xumida ku dhacday Guddida Cadaaladda ee keeni karta xil-gudasho la’aanta Guddida, isagoo ahaa Guddoomiyihii Guddi-Hoosaaddii Golaha Wakiillada ee xubnaha u soo xushay Guddida saamayn weynna ku lahaa soo-xulidda xubno aan buuxin shuruudihii dastuurku u dhigay. Cabdiraxmaan ha la weydiiyo wuxuu dhaafsaday arrintaas.”