Baadiri Nebi Sheegtay Oo Baastoolad Ciyaal Ku Qarxiyey Kongareeska Maraykanka

0
885

dddddWashington (Geeska)- Gelinkii hore ee Isniintii toddobaadkan ayaa mar keliya lagu war helay dhawaq rasaas ka baxaya gudaha xerada uu ku jiro golaha odayaasha Maraykanka ee Kongareeska loo yaqaanno, in kasta oo labada gole ee odayaasha iyo wakiilladu ay fasax ku jireen, dadka saacaddan joogayna ay tiro ahaan koobnaayeen, haddana cabbaar yar kadib dhawaqa rasaastu markii uu yeedhay waxaa la arkay dad tiro badan oo ka soo yaacaya gudaha golaha, iyo shaqaalaha muhiimka ah iyo xildhibaanno oo gudaha laga soo qaxiyey, kadibna albaabada loo xidhay dhismaha iyo xerada weyn ee uu ku dhex jiro.

Bilowgii:

Wararka ka soo baxay booliiska iyo Kongareeska laftiisa ayaa markii dambe sheegay in nin hubaysani uu golaha la ka dhex riday rasaas, laakiin markiiba la dhaawacay kadib markii ay rasaas ugu jawaabeen ilaalada Koongareeska, dhaawaciisna imika lagu daweynayo cisbitaal.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in rasaastu ay ka dhacday dhismahan qayb dhulka hoostiisa ah oo inta badan loo furo dadka dalxiisayaasha ah. Shabakadda wararka ee CBS ayaa iyaduna isniintii sheegtay in laba ruux oo dalxiisayaal ah uu dhaawac fududi ka soo gaadhay is-rasaasaynta, laakiin warkaas aanay weli xaqiijin. Dhinaca kalana ilaalada Guriga Cad ee Maraykanka oo isla goobtan ka dhow ayaa iyaguna si dhaqso ah u daad-gureeyey dad dalxiisayaal ahaa oo madaxtooyada hareeraheeda joogay, in kasta oo cabbaar kadib xaaladdu caadi ku soo noqotay.

Qaxii dhacay:

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegtay in wixii Isniintii Konagareeska ka dhacay uu ku soo beegmay maalinta ciidda Easter ka loo yaqaanno. Ninkani waxa uu cabsi geliyey dalxiisayaal badan, shaqaalihii xarunta iyo xildhibaanno aan tiro badnayn oo markaas golaha ku sugnaa. Waxaa la dareemay is dhex yaac waxaana la arkayey dadkan oo mid waliba naftiisa la ordaya si uu u raadsado meel uu ku aammini karo.

Xaaladdu ma’ay degin illaa laba saacadood ka soo wareegeen dhacdadan, markaas oo ay booliisku ka hadleen waxa dhacay, sida ay u dhaceen iyo waxa ay ku dhammaatay arrintu.

Warka runtiisii

Goor dambe oo isla maalintii Isniinta iyo subaxnimadii Salaasada ah ayaa la ogaaday in ninka beegsaday Kongareeska Maraykanka ee warkiisu dunida oo dhan gaadhay uu ahaa nin Maraykan ah oo muddo ka hor inta uu rabshad iyo buuq geliyey gudaha golaha wakiiladda ee Maraykanka ay maxkamadi ku xukuntay in aanu dib ugu soo dhowaan goobtan. Ninkan ayaa Isniintii isaga oo sita baastoolad nooca carruurtu ku ciyaaraan ah kuna qaylinaya, “Waxa aan ahay Nebigii Ilaahay” waxa uu soo galay Konagareeska Maraykanka, laakiin waxaa muddo yar kadib gacanta ku dhigay ilaalada amniga ee dhismahan oo dhaawacay.

Ninkani waa Baadari lagu magacaabo Larry Russel Dawson oo 66 jir ah, waxa uu ka soo jeeda magaalada Nashville ee caasimadda u ah gobolka Tennessee ee dalka Maraykanka, wax rasaas ah ma’ uu ridin waxa uu fiiqayeyna waxa uu ahaa baastoolad kuwa carruurtu ku ciyaarto ah.

Kadinka dhismaha markii uu marayey ayaa ay is-qabsadeen waardiye amni oo taagnaa, kadib Baadariga ayaa jeebka kala soo baxay baastooladdan, waardiyihii amniguna waxa uu si degdeg ah ugu jawaabay rasaas nool oo dhaawac ahaan dhulka ugu tuurtay Baadariga.

Qayladii Baadariga:

Baadari Larry Russel Dawson waxa uu masuul ka yahay kaniisad lagu magacaabo St. Luke oo ku taalla duleedka magaalada Nashville, bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayaa uu booliisku qabtay waa aanu ku eedeeyey in uu wadaadku sarkaal booliis ah ku tacaddiyey, xilligaas oo uu sarkaalku sidan hadda oo kale ugu diiday in uu gudaha u galo golaha wakiillada, kadibna uu wadaadku ku qayliyey, “Im a Prophet of God” Anigu Nebi Alle ayaa aan ahay. Ereygan oo muddo lagu ogaa in uu Baadarigani ku dhawaaqo marka uu yimaaddo goobaha la isugu yimaaddo, isaga oo weliba intaas ku sii dara, “in aanu wax ixtiraam ah u haynin sharciga aadamuhu dejisto” xilligaas ayaa Baadariga maxkamad loo gudbiyey oo uu ku dhacay xukunkan ka mamnuucaya in uu yimaaddo golaha Kongareeska, laakiin uma uu hoggaansamin xukunkaas oo dhowr jeer ayaa isaga oo weli sidii Nebi u sheeganaya uu u soo dhowaaday, Isniintiina waa kan rabshadda ka dhex abuuray, ee isagii ku dhaawacmay, golaha Konagareeska Maraykankana qasaa-wasalnka geliyey.