Safiirka Somaliland Ee Djibouti Oo Sameeyay Horumar Hor Leh

0
817

Jabuuti(Geeska)-Safiirka dalka Somaliland u fadhiya dalka jabuuti, danjire Maxamed Warsame ayaa wax wayn ka qabtay shaqada Safiirnimo ee loo magacaabay.

12920946_1317411301608960_758028847_n

Safiirku wuxuu ka shaqeeyay siduu u horumarin lahaa xafiiska loo magacaabay waxaanu isla markiiba muujiyay is badel balaadhan oo dhan kasta ah.

Dadka reer Somaliland ee booqday xafiska Somaliland ee Djibouti, ayaa arkay in Safiirka oo safiirkii ka horeeyay kala wareegay hal gaadhi oo uu xafiisku leeyahay, uu hadda danjirahan cusubi xafiiska Somaliland ee Djibouti ku soo kordhiyay afar gaadhi oo loogu adeego.

Geesta kale, xafiiska safaaradda ayuu danjire Maxamed Warsame aad u qalabeeyay, waxaanu xafiiska Djibouti ee Somaliland ka dhigay mid la mid ah safaaradaha kale ee Djibouti.

 Dadka reer Somaliland ee booqday xafiiskaas, ayaa soo arkay muuqaalada isbedelka leh ee ka muuqda safaaradii Somaliland ay ku lahayd Djibouti oo waayadii hore ahayd mid aanay shaqo ka socon.

Sidoo kale wuxuu ururiya jaaliyadda Somaliland ee Djibouti oo ka tashada danahooda iyo danaha dalkooda Somaliland.